Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

0
Monday October 26, 2020 - 08:32:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

    Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad




Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanada Golaha ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan in uu kulan jiro, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulankaas, si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee H/Sh Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee H/Sh Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha iyo u Codeyta W/B Sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maalin kahor sheegay in kulamada Golaha la dardar-gelin doono, maadaama shaqooyin dhowr ah ay horyaallan, xili muddo xileedkooda uu wax yar ka harsan yahay.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maalin kahor ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana weli golaha laga doonayaan qabashada shaqooyin farabadan.


Loading...
Loading...