Wasaaradda Maaliyadda Oo go'aansatay Inay Xarraashto Agab Kala Duwan

0
Sunday October 25, 2020 - 21:05:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Oo go'aansatay Inay Xarraashto Agab Kala Duwan

    Wasaaradda Maaliyadda Oo go'aansatay Inay Xarraashto Agab Kala Duwan Oo Ay Muddo Haysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Maaliyadda Oo go'aansatay Inay Xarraashto Agab Kala Duwan Oo Ay Muddo Haysay


Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaaca ka qaaday inay Xarraashayso Aggab kala duwan oo muddo yaalay, kadib markii lagu ilaaway Bakhaarka kastamka ee Maddaarka Cigaal, iyadoo la raacayo habraaca Xarraashka Kastamada ee Wasaaraddaasi Maaliyadda.


Qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyadda oo ogeysiis ahaa ayaa lagu sheegay in alaabta la Xarraashaayo dhaafeen mudaddii loogu talo-galay inay yaalaan Bakhaarka kastamka, isla markaana guddiga xarunta dhexe ee kastamada loo gudbiyey go’aamintooda qaabka loo marayo.


Guddiga xarunta dhexe ayaa u kala saartay saddex qeybood alaabta taalay kastamka madaarka cigaal, alaab la go’aamiyey in la burburiyo oo la gartay inay khatar ku yihiin bedqabka bulshada, kuna jiraan dawooyin dhacay.

Sidoo kale alaabooyin ku raagay kastamka ayaa qeyb ka mid ah agab waxbarasho iyo dhar ah ayaa la go’aamiyey in lagu tabaruco wasaarada Waxbarashada, halka dharka lagu wareejin doono xarunta dhimirka ee cusbitaalka guud.

Gebagebadii alaabooyinka la go’aamiyey in la xaraasho ayaa qoraal Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu soo saartay lagu baahiyey qiimaha ugu hooseeya ee xaraashku ka bilaabmayo nooc walba iyo goobta xaraashku ka dhacayo.

Foomka diiwaanka xaraashka ayaa loogu baaqay bulshada qofkii xiisaynaya inuu ka qaadan karo kastamka gegida diyaaradaha cigaal, xarunta kastmaka dhexe ee hargeysa ama mareegta Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, iyadoo wakhtiga xaraashku xidhmayo lagu sheegay 12 November.

Loading...
Loading...