Layaabka Khudbadaha Muuse Biixi,Fashilka Xukuumaddiisa, Yuu Ku Sheegay Ummad Waallan Iyo Xantiisa Hogaamineed Ee Ilameerayso

0
Sunday October 25, 2020 - 12:23:51 in News by
  • Visits: 1588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka Khudbadaha Muuse Biixi,Fashilka Xukuumaddiisa, Yuu Ku Sheegay Ummad Waallan Iyo Xantiisa Hogaamineed Ee Ilameerayso

    Layaabka Khudbadaha Muuse Biixi,Fashilka Xukuumaddiisa, Yuu Ku Sheegay Ummad Waallan Iyo Xantiisa Hogaamineed Ee Ilameerayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Layaabka Khudbadaha Muuse Biixi,Fashilka Xukuumaddiisa, Yuu Ku Sheegay Ummad Waallan Iyo Xantiisa Hogaamineed Ee Ilameerayso


Hargeysa(HWN):-Khudbadihii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Fagaarayaal kala duwan oo uu umadda kala hadlay, gaar ahaan Qalin jabinihii Jaamacadaha Hargeysa, Boorama iyo Burco ayaa waxa ay abuureen hadal hayntii ugu badnayd iyo falan-qaymo dad badani ku faalleeyeen baraha Bulshada.

Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii guddiga | Caasimada Online


Khudbadahan oo qaarkood ahaayeen kuwo iska hor imanaya, kuwo muujinaya sida Madaxweynaha qaranku mar walba dhaliilaha iyo dhibaatooyinka qaranka haysta uu cid kale ku mooso halkii uu isagu hal-abuurnimo iyo hogaamin kaga saari lahaa umadda uu Madaxweynaha u yahay, kuwo abuuraya rajo xumo iyo xal la’aan iyo kuwo kale oo u muuqda sida aanu Madaxweynuhu u lahayn badheedhe uu umaddiisa ugu sheego waxa muddo xileedkiisa uga qabsoomay baylahaha tirade badan ee dalka yaalla, waxa u qorshaysan iyo wax aka qabyoobay ee uu ku guul darraystay taa baddalkeedana mar walba ka hadla xaalado guud iyo dareerinta wadciga adage e qaranka ka soo taagtaa tagtadii hore iyo ta maanta taaganba oo cid waliba ka dharagsan tahay.


Tusaale haddii aan u soo qaadano Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay sida qarankau ugu baahan yahay in dhaqaale badan la galiyo jaamacadaha iyo tacliinta sare ee dalka waxa uu khudbaddiisii Jaamacadda Hargeysa ku yidhi sidan: ""Wasaaradda Waxbarashada oo kali ahi waxa ay u baahan tahay miisaaniyad ka badan ta dalka oo dhan saddex laabkeed. Haddii miisaaniyaddeenu tahay 260 Milyan waxa aynu u baahanahay in aynu 900 oo Milyan galino Wasaaraddeena si aynu Mustaqblka ubadkeena u dhisno”. Ayuu yidhi Madaxweynuhu isaga oo qiray in Kumannaan kun oo Caruur ahi aanay helin waxbarasho balse aan sheegin qorshaha xukuumaddiisa ee uu arrintaasi wax kaga qaban lahaa halka uu taa baddalkeeda sidii qof aan xil hayn dhibkii jiray uun ka sheekeeyey.


Khudbaddan mid ku lid ah ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay Jaamacadda Burco isaga oo ardayda ku guubaabiyay in shaqo loo baahan yahay ee aanay waxba tarayn shahaado iyo jaamacad laga qalin jabiyaa, tusaalena ardayda ku tusay ganacsatada waaweyn ee dalka oo uu sheegay in aanay waxna qorin waxna akhriyin halkii ay ka ahayd in uu ardayda qalin jabinaysa kala hadlo fursadaha shaqo ee xukuumaddiisu keentay, waxa u qorshaysan, waxa uu ka qabtay iyo doorka kaga aaddan dhibaatada shaqo la’aaneed ee dalka. Tani waxa ay keentay in faallooyin badan ay dhallinyaradu isku dhaafsadaan khudbadda Madaxweynaha oo ay qaarkood ku doodaan malaha Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku dhiirri galiyay in aanay qalin qaadan ee ay xamaashaan.


khudbadda uu Madaxweynuhu ka jeediyay Jaamacadda Burco toddobaadkan arrimaha layaab leh ee dadku wali iska waydiinayaan waxa ay tahay tusaalaha uu Madaxweynuhu ugu soo qaatay in uu yahay Madaxweyne umaddiisu waalan tahay sida uu hadalka u dhigay mar uu ka hadlayay dhibaatooyinka dhaqan-bulsheed ee umaddiisa haysta. Waxaana hadalladaasi aadka loo hadal hayay ka mid ahaa: "Waxaan ugu Jecelahay Ninbaa waxa uu yidhi waar kan Ina Biixi ee Madaxweynaha ahi waa kula meeraysanayaa. Waa ila meerayso. Waligay nin ka wanaagsan maan arag. Waar dadkaagii oo waallan!!. Waar dadkii oo aad leedahay ma tukanaa oo qori kuu soo qaadanaya oo aad leedahay Jaamacadda ma dhisanaa oo dhulka u banneeya oo qori kuu soo qaadanaya haddaad adna ku bilowdo maxaa ka soo baxaya bal ii sheega. Xal idinku ii keena”.


Dhinaca kale waxa Iyana xusid mudan hadalkii dheeraa ee uu dhawaan ka jeediyay Qalin-jabintii Jaamacadda Boorama ee Camuud oo uu Madaxweynuhu ku dheeraaday dhibaatada waddanka taalla ee faraja badan isaga oo aan mar kali ah ka hadal waxa uu dhibkaasi ka qabtay, wax aka qabyoobay ee uu isku dayay in uu ka qabto iyo waxa uga qorshaysan muddo xileedkiisa, halka uu taa baddalkeena Jaamacaddii, Maamulkii Jaamacadda iyo Ardaydii canaan kula dul dhacay. Madxweynaha ayaa jaamacadaha ay Camuud ugu horrayso ku eedeeyey in aanay dhibka waddanka yaalla ee noocyadiisu badan yahay aanay waxba ka qaban oo aanay daraasado ka samayn. Waxa hadalka Madaxweynaha ka mid ahaa kuwan: "Jaamacadaha waxa laga rabaa in ay daraaseeyaan dhibaatada Bulshada haysata iyo sida wax looga qaban karo. Waa in ay soo saaraan qoraalo cilmibaadhis ah oo laga faa’iidaysto oo dadka talada haya ay ku hogaamiyaan. Waxa kale oo jaamacadaha ka maqan sida aynu u maamulayno gobolladeena iyo degmooyinkeena oo la helo xalka iyo dhibaatada meel walba ka jirtaa ay kala duwan yihiine sidii xal looga gaadhi lahaa. Ee qofka badhasaabka ah, ka maayarka ah iyo ka madaxweynaha ahi halkuu dib ugu noqon lahaa waa aqoonta, aqoontuna jaamacadaha ayay taallaan. Jaamacadihiina taasi way ka gabbadaan oo waxay yidhaahdaan waa siyaasade yaynaan faraha la galin. Sidee dalka loo hogaaminayaa haddii iyadii laga baqanayo”. Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Loading...
Loading...