Haddii Cabdiraxman Tuurba Yimi Maxaa Diidaya Maxamed C. Carte

0
Sunday October 25, 2020 - 10:23:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Cabdiraxman Tuurba Yimi Maxaa Diidaya Maxamed C. Carte

    W/Q:Abokor Barud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Abokor Barud

Waxa beryahan aad loo hadal hayey joogitaanka Maxamed Cumar Xarte oo lagu arkay suuqaq mgaalada Hargeysa isaga oo dhex mushaaxaya. Maxamed Cumar Carte waa muwaadin dalka u dhashay oo weliba isaga iyo qoskiisuba raad la taaban karo ku leh siyaasada iyo dhaqlaaha dalkan. Aabhihii, Cumar Carte Qaalib, oo hadda ku xanuunsanaya magaalada Hargeysa, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ruuxiga ahaa ee ururkii dib u xoraynta ee SNM. Si kasta oo uu siyaasada meelo kale ugu jirayna aakhirkii wuxuu u soo digo rogtay Somaliland oo uu laba jeer madaxeynimadeeda isu soo sharaxay. Cumar maanat xaalad caafimaad oo adag ayuu ku sigan yahay , Maxamedna waa inanka inamdiisa ugu weyn.



Maxamed Cumar muddo dheer ayauu u shaqaynayey Somaliland oo ku sugnaa, markii dambena dabaysha siyaasadu meel kale ayay la qabatay. Laakiin Maxamed Cumar Carte oo Ra’iisal Wasaare ka soo noqday Somaliya mar keli ah afkiisa lagama maqal difiraada jiritaanka Somaliland ama inuu toos uga hor yimaado gooni-su taageeda.


Maaha Maxamed Cumar Carte qofkii ugu horreeyey ee xil ka qabta Somaliya ee haddan dani ku soo celiso dalkiisa dib markuu cafis ka helay masuuliyiinta markaa xilka haya. Waxa hore u yimi Allah ha u mnaxristee Cabdirxanman Tuur oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland, weligaa cinwaankaa ah MADAXWEYNIHII UGU HORREEYEY EE SOMALILNAD, lahaan doona, laakiin nasiib darro markii dambese siyaasadu meel kale u qaaday, ilaa uu ka noqday madaxweyne ku xigeenkii dawladii Somaliya. Cabrxman Tuur intii uu Somaliya ku sugnaa wuxuu ka hor yimi jiritaanka Somaliland iyo gooni isutaageeda oo uu goobo badan ka sheegay. Markii dambena sidii caadadu ahayd dani ku soo celisay dalkiisii hooyo iyada oon lahayn meel kaga noqday mowqifkiisii hore. Waxa isna maanta dhexjooga Hargeysa Ismaciil Buubaa oo isna sidaa si leeg ugu hor yimi jiritaanka Somaliland xilal kale duwanna ka soo qabtay Somaliya. Waxa hore u yimi Jaamac Maxamed Qaalib inskasytoo uu cafis ku yimi, iyo Cisman Jaamac.


Maxaa haddaba joogitaanka Maxamed Cumar Carte ka dhigay mid ka duwan kuwaa hore.


Abokor Barud

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...