Dabaylaha Isbadel Ee Siyaasada Bariga Dhexe Ee Israel Iyo Carabta Oo Soo Gaadhay Sudan

0
Sunday October 25, 2020 - 10:19:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabaylaha Isbadel Ee Siyaasada Bariga Dhexe Ee Israel Iyo Carabta Oo Soo Gaadhay Sudan

    Iyo Kaalinta Maraykanaka , Xaaladii Palestine Iyo Israel Halkee Ay Iyaduna Ku Dambayn Doontaa ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Kaalinta Maraykanaka , Xaaladii Palestine Iyo Israel Halkee Ay Iyaduna Ku Dambayn Doontaa ?

Image



Waxa socda isbadel xoogan oo dalka maraykanaku wado xaga siyaasadiisa arimaha dibada taasi oo uu ka bilaabay wadamada Afghanistan,  Bariga dhexe iyo Sudan oo arimahani dhamaantood ay qotomaan xaga nabadgalyada iyo wada noolaanshaha umadaha aduunka.

 

Waxa horumar weyn laga sameeyey xidhiidhka Israel iyo wadamada carbeed oo aan wanaagsanayn mudo badan , isbadelkani oo u eeg mid wax badan ka badeli kara arimaha Bariga Dhexe oo in badan aan wanaagsanayn,  isbadelkaasi waxa ku soo biiray oo in ay xidhiidh la yeelato wanaagsan qaatay isaguna dalka Sudan.

 

Arimahani waxa kaalin mug leh oo aad u muuqata ku leh Madaxwaynaha maraykanka iyo xukuumadiisa oo aad moodo in ay ka mid tahay waxyaabaha ama taariikhda ( legacy ) ay rabaan in lagu xasuusto amaba ay mar labaad talada dalka maraykanka ugu soo noqdaan.

 

Donald Trump oo doodii ugu dambaysay ee uu la galo murashaxa xisbiga dimuqaradiga ee Joe  baiden aad ugu muuqday mid ka wanaagsan sidii hore ayaa kaalin mug leh ku leh dardarta socota ee xaga diblomasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Israel iyo wadamada kale ee aanu hore siyaasadoodu isugu wanaagsanayn isla markaana aanay lahayn xidhiidhka.

 

HALKEE AY KU DAMBAYN DOONTAA QADIYADII PALESTINE IYO ISRAEL

 

Arimaha aad u muhiimka ah ee isweydiintu ka taagan tahay waa meesha ay ku dambayn doonto qadiyadii Israel iyo palestine oo ah xaaladaha ugu adag ee bariga dhexe ka taagnaa isla markaana ay muhiim ahayd in xal loo helo.

 

Heshiiska Israel iyo carabta ( Abraham Accord )  suuragal ma tahay in ay Palestine ka mid noqon karto oo halkaasi laga heli karo xalkii Israel iyo Palestine ee soo socday todobaatanka sano in ka badan ee u gobolkaasi xaaladaha adag iyo dagaalada curyaamiyey aasaaska u ahaa ?

 

ABRAHAM ACCORD DAWLADAHA SOMALIDA EE KA MID AH JAAMACADA CARABTA MA LAGA YAABAA IN AY UU SOO GAADHO ?

 

Dawladii Jamhuuriyadii Somalia ee haatan kala ah Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federalka Somalia ayaa waxa ay ka mid tahay dunida carbeed iyo wadamada ku mideysan jaamacada carabta oo siyaasad isku mid ah ka qaatay xidhiidhka Israel,  hadii maanta wax is badeleen ma laga yaabaa in uu soo gaadho heshiiska loo bixiyey Abraham Accord ?

 

Djibouti oo iyaduna ka mid ah wadamada ku mideysan Jaamacada carabta iyadana heshiiskani loo bixiyey ( Abraham Accord ) ee uu soo dhaweeyey dalka Sudan sidee ay ku qaabili doontaa , ma ka mid noqon doontaa ?

 

HESHIISKA CARABTA IYO ISRAEL ( ABRAHAM ACCORD ) MA WAXA UU RAACI DOONAA DONALD TRUMP HADII LAGA GUULEYSTO MISE WAA SII SOCON DOONAA ?

 

Waxa jirta amaba dhacda in axsaabta siyaasadu ku kala duwanaan karaan habka loo maamulayo siyaasada arimaha dibada iyaga oo ka mideysan in midwaliba qaranimada dalkiisa iyo danaha dunida kale in ka dhigo mid dalkiisu ka helo gacanta sareysa.

 

Haddaba waxa isweydiin leh heshiiska la magac baxay kii ilma nabi ibrahim ( Abraham Accord ) oo ilaa hadda dhawr dal oo carbeed soo dhaweeyeen xidhiidhkoodii israel na ka dhigeen mid caadi ah , ma waxa uu raaci doonaa heshiiskaasi Donald Trump iyo xukuumadiisa hadii lagaga guuleysto talada dalkaasi mise wuu sii socon doonaa oo si ka duwan ayuu u waajihi doonaa xisbiga kale , waa mid muhiim ah arinkaasi isaguna.

 

GEBOGEBADA QAORAALKA

 

Waa wax wanaagsan in nabad lagu wada noolaado colaadaha bariga dhexe iyo meelo badan oo aduunka ahna loo maro jidka dib u heshiisiinta,  wadahadalada iyo xal u helida arimaha taagan, waana masuuliyad u taalla qofwalba oo aduunka guudkiisa ku nool.

 

Arinta muhiimka ah ee u baahan in iyadana xooga la saaro si ay heshiisyadani u noqdaan qaar midho dhala oo waarra ayaa waxa ka mid xidhiidhka Israel iyo Palestine oo ah halka ay ka bilaabeen xaaladaha cakiran ee siyaasada wadamada carabta iyo israel,  qadiyada Palestine oo dunida in badan oo ka mid ahi ka garaabtay ayaan wali hadana xal loo helin.

 

Muxamed Dhimbiil

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...