Wasiir Maaliyadda Oo Ka Hadlay Xayirraada Ay Xukuumadda Muuse Biixi Saartay Fly Dubai iyo Al Arabia

0
Saturday October 24, 2020 - 20:12:30 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maaliyadda Oo Ka Hadlay Xayirraada Ay Xukuumadda Muuse Biixi Saartay Fly Dubai iyo Al Arabia

    Wasiir Maaliyadda Oo Ka Hadlay Xayirraada Ay Xukuumadda Muuse Biixi Saartay Fly Dubai iyo Al Arabia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maaliyadda Oo Ka Hadlay Xayirraada Ay Xukuumadda Muuse Biixi Saartay Fly Dubai iyo Al Arabia

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shirre oo la hadlaayay Barnaamijka Siyaasiga iyo Siyaasadda ee ka baxa telefishanka SAHAN TV, ayaa waxa wax laga waydiiyay Faa'iidada ay Shirkaddaha Fly Dubia iyo Al Arabia u lahaayeen Somaliland.
Dr. Sacad Cali Shire: Aqoonyahan is Barraxay


"Labaddaas diyaaraddood waynu u baahannahay oo runtii tartan bay dhaliyeen aad innooga yarreeyay lacagtii badnayd ee innaga bixi jirtay Socdaalka. Baddeecooyin badan ayay dalkeenna keeni jireen, Maddaarkeenna lacag badan ayay soo gelin jireen, marka taas waa la isku raacsan yahay.

Waxa kale, oo la isku raacsan yahay inay Sharci innoogu yimaaddaan, oo matalan sharciga aynu ku wada shaqayno Diyaaradda Itoobiya, ta aynu ku wada shaqayno diyaaradda Djibouti iyo ta aynu ku wada shaqayno diyaaradda Kenya, markaa labadan diyaaraddoodna waynu sharcigaas kula shaqayno waabba intaas inta la isku hayaa." Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirku waxa uu meesha ka saarray wixii ay markii hore diyaaradahani ku shaqayn jireen ee ay dalka ku iman jireen inuu Sharci ahaa iyo in kale, taasoo muujinaysa sida ay Xukuumadda Muuse Biixi uga leexanayso xaqiiqadda dhabta ah ee diyaarahan xayirraadda loo saarray.

Loading...
Loading...