Ma U Eeg Tahay In J. Somaliland Haan-Gun-La, Aydoonaysa Inay Dhaamiso Marka Lagga Hadlo Wada-Hadal La Yeesho Soomaliya

0
Wednesday April 24, 2019 - 09:34:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma U Eeg Tahay In J. Somaliland Haan-Gun-La, Aydoonaysa Inay Dhaamiso Marka Lagga Hadlo Wada-Hadal La Yeesho Soomaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ma u eeg tahay in Jamhuuriyada Somaliland Haan-gun-la, aa, ay doonaysa inay dhaamiso marka lagga hadlo Wada-hadal la yeesho Soomaliya amma inna dhexe-marra ?



Dood-wadaagii Habeenkii Axddu baxaysay Hargeysa laggu wadaag siiysay Hal-doorka Siyaasiga ha iyo Aqoon-yahan , Wax-garadka in ka mid waxay ahayd in laggu darro Dood-wadaagga iyada aheyd .

Qoddobada soo socda :

Haddii aan Soomaliya aaney dooneyn Wada-hadal ay la yeelato Somaliland maxaa la yeelaya?

.

Yaase soo fadhiisanaya haddii ay ka gows-adeygto amma is diidso Soomaliya Wada- hadalka Sabab ay iyaddu ogtahay owgood ?

.

Yaase dabaanad ka noqonaya hadii Soomaliya diido mar kale inay timaado amma ka soo xaadirto Golayasha, Calaamiga ee wada hadallad loo qorsheyey inay ka dhacaan?

.

Se ma tahay wakhti ay Soomaliya Wada-hadal la geli karto Jamhuuriyada Somaliland marka la eego Xaladaha adag ee ay ku sugan tahay?

.

Wada-hadalladii la la yeeshay soomaliya wax midho ah oo Jamhuuriyada Soamliland uga soo go,ay ma jiraan halka Soomaliya ay ka faa.iiday wax badan in adduunku aqoonsi buuxa siiyo iyo in qodobadii laggu heshiiyey kulannadda la la yeeshay inay ka faa.iidaysatay oo Hawadii sare loo raray Xamar amma Muqdisho iyo dhaqalaha xoogan ee muuqad ee Addunyadu sida joogtada ah ugu hurgufayso.

Waxanna Sabaabay u ahaa ayeynu odhan karnaa indho-la,aantii iyo ka baaran deged la,aantii lagu dhexe-fadhiistay shir-Soomaaliya lagga Arimanaayo siddii loogu heli laha Xal ay kagga soo ka bato Xalaha qalafsan e int badan la noolayd .

Qorshe la,aantii shalay aynu la bilqanay ayaa wali la noolahay , tusaale ahaan waxa kasta waxaynu ka door bidayaan cid kast marka Hogaanka dalka joogta in aragtidooda iyo afar ay la tashadaan ay noqonto hadafka iyo hanaank Qaranka laggu haga yaa. Waa arkayna waxa dood-wadaaga ka soo baxay sidda aragii isku Golaha wasiirada ah u kala hadleen mid na yidhi go-gol ayaa na loo fidiyey ee lama dhex dhexaadin Soomaliya markaa aanu wada hadalka la yeelayay , Halka ka kalena ku adkeysanyey waa nala dhex-joogay asaggo waliba aan isu heystay inuu ahaa mid ku sax kunna toosan sidaa uu yidhi .

.

Waxa aynu ogsoon nahay haddii aynaan iska jeceleyn inaynu dhaamino haan-gun-la,aa qadiyada iyada ah halka ay ka taagan tahay Soomaliya : oo ah inay aad iyo aad you howlan tahay siddii ay, Ciidamo-quwad iyo Cudud xoogan leh dhisato iyo Nadaam dawli ah oo is heysta marka ka dib ay ku dhaqaaqdo waxii la gudboon oo u badan inay awood iyo muquunin isku dayi-doonto.

.

Waa haddii ay suurto-gal u noqota waxii ka kala daadsan iyo ka kala ta faraaruqsan ba ay ka soo kabbato sida ay tahay , iyo sidda ay u doonayso. Halka marka mareyso iyadun haddii taasi u shaqeeyn weydo inay isku deydo si kasto oo xeelada iyo kaarto ah ee xagal-daac u ugu geysan karto Somaliland. Oo ay kow ka noqonayso degaamada Somaliland ee in ka mid ah Ummada ay diidan yihiin soomaliland iyo Qadiyadeed inay ka kaluumeysato.

Waxa aan aad iyo aad u dareensan nahay Shiikhsi ahaan sidda Jamhuriyada Somaliland, in badan oo Ummada Haldoorkeedda ahi ay isagga indho-tirayaan Xaqiiqooyinka , ka jira qaybo ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland gudaheed.

.

Waa mid u baahan in si wanàgsan oo dhuggasho leh loo dhugto Hadalka labbad professor ee Dood-wadaag, ka qayb ahaa. Ee hadalkoodda uu ahaa waxa loo baahan yahay marka loo yimaado Arinka Jamhuuriyada Somaliland fur-daaminteed in si wada jir ah loogga wada shaqeeyo oo macnaheeddu noqonaayo , waxa gudaha ka jira ha la turxaanbixiyo sidda saxda ee Ummadda kalsoonideed iyo taageerida guud laggu hellayo .

.

Siddaasina ay noqonayso sida ugu haboon ee guul-horseed ka noqon karto baahida Ictiraaf la,aan Jamhuuriyada Somaliland ku sugan intii ay dib u la soo noqotay Xoriydeed iyo wada-jirka ay u baahan tahay Ummadda Jamhuuriyada Somaliland idil-agaanteed ba .

.

Marka lagga howl gelaayo siddii Mustaqbalka dhow, ka Dhexe iyo ka fog ba looggu dhiilo culan laha iyo , siddii looggu lahaan lahaa gaashankii iyo weelkii laggu maali lahaa waa haddii la , isla garto la isla na fahamo jehadda a himilada iyo ka midho dhalinteeda loo maraayo ayadoo loo dhan yahay si guud oo aan cid gaar ahi dheeg u duwan amma u leexin, e.

.

Dood-wadaagga noocan oo kale ahi waa kuwo waxtar iyo horumar u leh Jamhuuriyada Somaliland iyo ummaddeda.

Gebbo-gebada iyo Gunaanadka.

.

Si wanaagsan oo Abaabulan howl karnimo iyo Aqoon-yahannimo ay ku dheehan tahay ayey u soo Agaasimeen Da,yarta inspire-grooup ee is-xilqaantey Dood-wadaagga isagga ah ,aad ayaan ugu mahaddinaya da,yarta u guntadey inay si hufan wadaagsiyaan Haldoorkii hadalka lagu marti-qaaday iyo inta Da,yarta ,Aqoon-yahan, wax-garadka ah ee ka qayb-galay.

.

Sideeda ba Dood-wadaagga noocan oo kale ahi waa kuwa Adduunyada tallabsatay ee tis-qaaday u horseeday Horumaradda iyo hore u socodka ka hirgalay ay ku dhaafeen qarradaha kale ee aynu inaggu ku Maal amma ka mid nahay ba.

Waxa aan inta ugu daraya inay halka ka sii wadaan juhdigaa iyo Is-xilqaanka , ay isku sameysaan da,yarta inspire-grooup iyo kuwa kale la mid ahi in baahiya Qaranka loogga midha dhaliyo loo heli laha.


Ha ka daalina ayaan idiinku boorinaya Wadada wanaagsan ee aad cagta saarteen waa ta guusha iyo gobbonimadu ku jirto kunna hirgelayso guusha Qaranka si guud ee.

Fikrada iyo Aragtida Xorta ah ee Muwaadinka

Abokor I Mohamud .

Waa Billahi Towfiiq.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...