Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub

0
Saturday October 24, 2020 - 13:47:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub

    "Ra'iisulwasaare Rooble ayaa 19-kii bishan ku dhawaaqay golihiisa wasiirada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ra'iisulwasaare Rooble ayaa 19-kii bishan ku dhawaaqay golihiisa wasiirada"

Kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo Golaha Shacabku ay maanta yeesheen ayay ku ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.



Ra’iisulwasaare Rooble oo baarlamaanka la hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siin doonto qabsoomidda doorashooyinka dalka ka dhacaya, iyo sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Waxaa kale oo uu sheegay in ay dardargelin doonaan la tacaalidda xanuunka COVID-19.


Intaas ka dib ayay Golaha Shacabku waxa ay codka kalsoonida u qaadeen golaha wasiirada, iyadoo 188 xildhibaan ay oggolaadeen ansixinta xukuumadda cusub. Guddoomiyaha baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.


Ra’iisulwasaare Rooble ayaa 19-kii bishan ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo ka kooban 27 wasiir, 17 wasiir-dowle, iyo 26 wasiir ku xigeen. Inta badan xubnaha xukuumadda cusub ayaa ah golihii wasiirada ee xukuumaddii uu baarlamaanku kalsoonida kala laabtay ee ra’iisulwasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre.

Loading...
Loading...