Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Sababta Raysal Wasaare Ku-xigeenkii Hore Ee Somali Maxamed Cumar Carte U Joogo Hargaysa
Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali guray ayaa ka hadlay sababta Dalka Somaliland inuu yimaado loogu ogolaan karo Ra’iisal-wasaare-xigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka somaliya oo la sheegay in uu Cafis soo waydiistay xukuumada Somaliland.
Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in sababta loogu ogolaaday ay tahay Aabihii Cumar Carte oo aad ugu xanuunsanaya hargaysa islamarkaana ay tahay ogolaashihiisu mid Bini-aadamnimo, sida uu ku sheegay qoraal uu baahiyay Mujaahid Cali Guray oo udhignaa sidan:
Sababta loogu ogolaaday Maxamed Cumar Carte Hargeysa waxan filayaa in ay tahay odaygii aabihii ahaa oo loogu qaylo diray oo loo sheegay in aanay kana bixin kuna jirin. Taasi ma siyaasad bay noqonaysaa mise sabab bini aadminimo? Kee baase mudan siyaasadda iyo bini aadminimada. Kolay aniga xagayga waxa mudan bini aadminimada balse way jiri karaan dad ay siyaasaddu kala mudan tahay dadninada iyo xataa malaha diinta islaamka. Iyagana waa garashadooda. Xataa dhinaca diinta in loo diido in aabihii oo sakaraad ah dul yimaado iyo in loo ogolaado waxa sax ah in loo ogolaado; dadnimo ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Balse qofka intaaba aan midna xeerinayn badda ha ku dhacdo haduu doonayo. Waxa uu sheegi karo ayaaba iska yare. Hadda kuma jiraan kuwa aan sheegayo caruurta dhalatay 90s-kii ee aan iyagu wax badan ogayn ee siyaasaddu ay sida xagarka ku go’an tahay. Kuwaa iyagu dembi ma laha wax lagula yaabi karaana maba jirto aniga xagayga


0 





