Doorasho ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo

0
Saturday October 24, 2020 - 10:09:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo

    Xilka guddoomiyaha degmada Gaalkacyo waxaa u tartamaya musharixiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilka guddoomiyaha degmada Gaalkacyo waxaa u tartamaya musharixiinta




Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Galmudug waxaa saakay lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkisa ee degmada Gaalkacyo.

 

Dorashadaan ayaa la filayaa inay bilaabato sacadaaha soo socda, waxaana qofkii xilkaas ku guuleysta uu nqonaya duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

 

Xilka guddoomiyaha degmada Gaalkacyo waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah, Cabdiraxmaan Sheekh Jimcaale iyo Cabdifitaax Barre.

 

Wasaarrada arrimaha gudaha Galmudug ayaa dhawaan shaaca ka qaaday liiska xubnaha golaha degaanka ee degmada Gaalkacyo.

 

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa ka kooban 27-xubnood, waxaana la dhaariyey maalin ka hor, waxayna Gaalkacyo noqotay magaaladii ugu horreysay Galmudug ee yeelata gole deegaan.


Loading...
Loading...