Halista Weedhaha Xun Ee Dhakhtarka!

0
Saturday October 24, 2020 - 09:49:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halista Weedhaha Xun Ee Dhakhtarka!

    "Qof aan dareenkiisu qaangaadhin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qof aan dareenkiisu qaangaadhin"

Macallimad Ingiriis ah ayaa is deldalashay, iyadoo weliba saaxiibadeed ay cadeeyen inay ahayd qof miisaaman oo karti leh. Wargeyska  Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, ayaa daabacay in Chelsey Peart, oo 27 jir ahayd, ay is deldeshay kadib markii uu dhakhtar cilmi nafsiga ah "Psychologist”  oo daweynayay uu ku tilmaamay iney tahay "Qof aan dareenkeedu aanu Weli qaan gaadh ahayn”.Macalimadda ayaa isla markii ay ka timi Isbitaalka is deldelshay, taasi oo qoyskeeda ku  noqotay yaab iyo amakaag.



Chelsey waxey ahayd gabadh macallimad waxa kale oo ahayda qof  maamuleysay ganacsigeeda gaarka ah iyadoo suufka ku iibin jirtay. Dhakhtarkeeda gaarka ah ayaa u sheegay dhawr goor inay fasaxyo qaadato oo shaqada ka nasato tan iyo sanadkii 2017.Waxay ahayd macalimad ay ardaydu aad ugu deydaan oo hawlaheeda si fiican u qabata, inkasta oo la sheegay inay wakhti hore qoyskooda u sheegtay inay doonayso inay is deldesho.

Hooyadeed  ayaa sheegtay in farriinta ay Inanteedu ay dhakhtarka ka heshay saameyn xun ku yeelatay, arrintaas ayaa dood weyn keentay iyadoo la sheegay inuu aad ugu khaladnaa inuu qof bukaanka ah erayadaasi qallafsan uu si toos ah ugu yidhaa.


Hay’adda caafimaadka deegaanka Doncaster ee waqooyiga Ingiriiska ayaa cambaareeyay Erayada "Qof aan dareenkiisu qaangaadhin” ee dhakhtarku adeegsday, waxaana ay sheegeen in weedhaasi aanay ahayn mid dhakhtar iyo xataa dad kale toona aanay ahayn mid ay k,u niyad jebiyaan bukaanada.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...