Golaha Shacabka Oo Maanta Codka Kalsoonida U Qaadaya G/Wasiirada Cusub

0
Saturday October 24, 2020 - 09:43:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka Oo Maanta Codka Kalsoonida U Qaadaya G/Wasiirada Cusub

    Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub




Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa.

 

Ajandaha Kulanka maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda.

 

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

 

19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaas oo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xilheynta Hay’adaha dowladda uu yahay geb-gabo lana gelayo doorashooyin.


Loading...
Loading...