Baroor-diiq Loo Sameeyay Muftigii Dimishiq Ee La Khaarajiyay

0
Saturday October 24, 2020 - 07:51:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baroor-diiq Loo Sameeyay Muftigii Dimishiq Ee La Khaarajiyay

    "Dowladda Suuriya ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan dalkaasi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda Suuriya ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan dalkaasi"

Boqolaal qof ayaa ka qeyb qaatay aaska muftigii caasimadda Suuriya ee Dimishiq, kaasoo Khamiistii lagu dilay qarax lala beegsaday gaarigiisa.



Sheekh Maxamed Cadnaan al-Afiyuni oo ahaa Sunni ayaa ku dhintay goobta qaraxa lagu beegsaday oo aan sidaa uga fogeyn Dimishiq.


Sheekha oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa lagu yaqaanay wadaxaajoodyadii uu la geli jiray xoogga mucaaradka ee ka dagaallama aagga caasimadda.


Dowladda Suuriya ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan dalkaasi, kadib dagaal sokeeye oo socday muddo sagaal sano ah.


In ka badan 380,000 oo qof ayaa ku dhintay colaaddaasi, halka 13.2 milyan oo qof ay u barakaceen gudaha iyo dibedda dalka. Tirada dadka barakacay ayaa lagu qiyaasaa inay ka dhigan tahay kala bar shacabka Suuriya.


Wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya, Sana, ayaa sheegtay in Sheekh Afiyuni lagu khaarajiyay degmada Qudsaya ee waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda. Wakaaladda ayaa baahisay sawirro muujinaya burburka gaaray gaariga uu watay.


Dadka baroor-diiqayay ayaa raacay naxashka meydka muftiga oo ay garbaha ku sideen wadaado dhexmariyay wadooyinka caasimadda illaa ay ka geeyeen masjidka caanka ah ee Umayyad halkaasi oo lagu aasay.


Muuqaallo laga soo duubay goobta lagu aasay muftiga ayaa muujinaya wasiirka diinta iyo awqaafta ee Suuriya, Cabdulsatar al-Sayed oo ka qeybgalay aaska.


Muftiga la dilay ayaa si weyn u dhaliili jiray xagjirnimada Sunniyiinta qaarkood, waxaana uu dowr muhiim ah ka qaatay heshiis sanadkii 2016 ay xukuumadda Asad la gaartay xooggag mucaarad ah oo haystay qeybo kamid ah caasimadda Dimishiq.


Bishii September ee isla sanadkaasina, waxaa uu salaaddii Ciddul Adxaa ka tujiyay magaalada Darayya ee xilligaasi laga daadgureeyay xooggaagii mucaaradka ee haystay, taasoo oo qeyb ka ahayd heshiiska.

 

BBC

 

Loading...
Loading...