Shirka 7-aad Ee Golaha Dhexe ee KULMIYE oo la Muddeeyay Iyo Farriinta Loo Diray

0
Friday October 23, 2020 - 22:29:28 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka 7-aad Ee Golaha Dhexe ee KULMIYE oo la Muddeeyay Iyo Farriinta Loo Diray

    Shirka 7-aad ee Golaha dhexe ee Kulmiye oo la Muddeeyey iyo Wargelin loo diray Xubnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka 7-aad ee Golaha dhexe ee Kulmiye oo la Muddeeyey iyo Wargelin loo diray Xubnaha

Hargeisa(HWN):-Shirka 7-aad ee Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka Kulmiye, ayaa loo muddeeyey inuu magaalada Hargeysa ka furmo 28-ka bishan October 2020-ka oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadkan.


Qoraal wargelin ah oo Jimcaha maanta ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay in maalinta Axadda ee toddobaadkan la shaacin doono liiska kama-dambaysta ah ee Xubnaha Golaha Dhexe, kuwaas oo loo samayn doono waraaqaha Aqoonsiga ah.

Waxa kale oo qoraalka lagu wargeliyey in xubnaha Golaha Dhexe ee ku soo baxa liiska kama-dambaysta ah ee maalinta Axadda la shaacin doono ay u diyaar-garoobaan qaadashada waraaqaha Aqoonsiga ah, ka hor inta aanu furmin shirka Golaha dhexe.
WARGELINTA GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE 2020

Loading...
Loading...