Mareykanka Oo Si Buuxdo U Ansixiyay Dawo Korona Lagu Dabiibi Karo

0
Friday October 23, 2020 - 18:49:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Si Buuxdo U Ansixiyay Dawo Korona Lagu Dabiibi Karo

    "Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso,"

Dawadan waxaa la siin doonaa bukaannada ku jira isbitaallada, hasayeeshee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) waxa ay sheegaysaa in waxatarkeedu uu yar yahay.



Hay'adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka waxa ay meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada remdesivir.


Hay'adda maamusha Cunnada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sheegtay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee dawada, oo celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneysa waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta.


"Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FDA.


Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay todobaadkii hore sheegtay in dawada remdesivir aanay wax wayn ka tari karin badbaadada bukaannada.


WHO ayaa sheegtay in arrintaas ay ka dhalatay daraasad ay samaysay - balse shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay waxa ay diidday xogtaas ay hay'addu shaacisay.


Isticmaalka Remdesivir ayaa la ogolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdega ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka.


Waxaa dhawaan la siiyay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, wuuna ka kabsaday xanuunka coronavirus.


Maxay FDA sheegtay?

Bayaanka ayey FDA ku sheegtay in dawada Khamiistii la ansixiyay "in la siiyo dadka waa wayn iyo carruurta bukaanka ah ee 12 jirka ah iyo kuwa ka wayn iyo dadka ugu yaraan miisaankoodu uu yahay 40 kiilo-garaam, kuwaas oo isbitaallada looga dabiibayo cudurka Covid-19".


"Meelmarinta maanta waxaa lagu saleeyay xog laga helay tijaabooyin caafimaad oo badan oo hay'addu ay si qoto dheer ugu qiimeeysay, tanina waa guul taariikhi ah oo ahmiyad saynis leh oo laga gaaray cudurka safmarka ah ee Covid-19," ayuu yiri Gudoomiyaha FDA Stephen Hahn.


Hay'adda ayaa sheegtay in go'aankeeda ay taageereen dad xogta falanqeeyay oo ka kala socday "saddex kooxood oo si kala duwan loo soo xulay, kuwaas oo qiimeeyay tijaabooyinka caafimaad oo ay ku jiraan kuwo lagu sameeyay bukaanno isbitaalka loo dhigay xanuun daran oo Covid-19 ah".


Mid ka mid ah daraasaadka ayaa muujiysa in "xilliga dhexdhexaadka ah ee loogaga soo kabsan karo Covid-19 uu ahaa 10 maalmood, waa marka la isticmaalo dawooyinka Veklury, markii la barbardhigo 15-ka maalmood ee ay ku soo kabsadeen dadka la siiyay dawooyinka placebo".


Maxay aheyd daraasadda WHO?

Barnaamijkeeda midaynta tijaabada caafimaad, WHO, waxa ay baartay saameynta afar dawo oo ay suuragal tahay in la isticmaalo - Remdesivir ayaa ka mid aheyd - waxaa sidoo kale la eegay dawada malaariyada ee hydroxychloroquine. Dawooyinka loo isticmaalo in lagu xoojiyo difaaca jirka, iyo dawooyinka HIV-ga loo isticmaalo ee lopinavir iyo ritonavir.


Dexamethasone, oo haatan aad loo siiyo bukaannada Covid ee xaaladdooda ay culus yihiin ee UK, ayaanan lagu darin daraasadda.


Afarta dawo waxaa lagu tijaabiyay 11,266 bukaan oo ku jiray 500 oo isbitaal oo ku yaal in ka badan 30 dal oo kala duwan.


Natiijooyinka oo aanan weli dib loo eegin, waxa ay muujinayaan in daweyntaas ay saameyn wanaagsan oo dhinaca niyadda ay horseedeen ama mudada dheer ee isbitaalka lagu jiri lahaa oo soo yaraatay, sida ay sheegtay WHO.

 

BBC

Loading...
Loading...