Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Beenisay Warar Laga Baahiyay.

0
Friday October 23, 2020 - 18:32:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Beenisay Warar Laga Baahiyay.

    "Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in warkaasi gebi ahaan ba been abuur yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in warkaasi gebi ahaan ba been abuur yahay"

Hargaysa (HWN)Waaaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa beenisay warar lagu qoraayey baraha bulshada oo sheegayey in fasax la gelinaayo Dugsiyada sababo la xidhaadha Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo dalka dib loogu arkay.



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararkaasi


"Wasaaradda Waxbarshada JSL waxay bulshada la socodsiinaysaa in aanay waxba ka jirin wararka dadka qaar wareejinayaan ee sheegaya in dugsiyada dalka la fasaxayo sababo la xidhiidha safmarka COVID-19.”


Agaasime Axmed Abokor Abokor sheegay in aanay jirin halis Caafimaad oo Waxbarashada fasax loo geliyo.


"Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in warkaasi gebi ahaan ba been abuur yahay, mana jirto halis xanuun oo dalka imika ka jirta taas oo dugsiyada dalka loo fasaxaa, ilaahayna inooma keeno”


Wasaaradda ayaa dadka wararkaas beenta ah faafiyey uga digtay inay ardayda iyo waalidka khalkhal ku abuuraan.

Loading...
Loading...