Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Inay Hawl-gelinayso Ciidammadeeda Badda

0
Friday October 23, 2020 - 09:58:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Inay Hawl-gelinayso Ciidammadeeda Badda

    Oo Saldhig Ka Dhiganaya Mid Ka Mid Ah Dalalka Geeska Afrika Ee Badda Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oo Saldhig Ka Dhiganaya Mid Ka Mid Ah Dalalka Geeska Afrika Ee Badda Leh

Hargeysa (HWN) – Taliyaha guud ee Ciidammada Itoobiya Jeneral Aadam Maxamed ayaa sheegay inay Dawladda Itoobiya hawl-gelinayso Ciidanka badda.

 

Taliyaha oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa wuxuu sheegay inay Itoobiya markii ugu horraysay hawl-gelinayso Ciidammadeeda Badda iyadoon bad lahayn, waxaanu sheegay inay Ciidammadaasi ka hawl-galayaan dalalka deriska, laakiin ma Xusin Dal gaar ah oo ay Ciidammadu saldhig ka dhiganayaan.

 

Waxa kale oo uu Taliyuhu in Ciidammada Itoobiya lagu soo kordhiyey laba Guuto oo cusub oo uu sheegay inay ka shaqayn doonaan Rabshadaha kala duwan markay dhacaan.

 

Dawladda Itoobiya ayaa waxa Tababbarka Ciidammada badda ka taageeraya Dawladda Faransiiska, taasi oo dabcan siinaysa ama ka iibinaysa Maraakiib ay Ciidammadaasi ku hawl-galaan.

 

Dhinaca kale, Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa Dawladda Soomaaliya dhawaan la gashay heshiis ay ku isticmaalayso illaa lix Dekedood, wallow aan la ogayn Dekedahaasi kuwa ay yihiin.

 

Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka mid ah Dekedaha Waddamada Geeska Afrika ee Itoobiya sida joogtada ah ay wax ugala soo degto.


Loading...
Loading...