Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo dhaariyey laba Xildhibaan

0
Thursday October 22, 2020 - 21:17:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo dhaariyey laba Xildhibaan

    Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Somaliland

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Xafiiskiisa ku dhaariyay laba mudane oo buuxiyay jagooyin ka banaanaaday golaha Wakiillada Somaliland.



Axmed Cabdi Muuse Cige iyo Xasan Xuseen Maxamed Yoonis, ayaa si rasmi ah shalay uga mid noqday, xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland. Kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maxkamadda Sare u soo gudbiyay, codsiga lagu dhaarinayo mudanayaashan, oo cadaynaya in ay buuxinayaan jagooyinka ay baneeyeen, marxuumiinta kala ah Cabdikariin Aw-Cali Shabeel iyo Axmed Cabdi Kaahin, oo laga soo doortay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal waxaanay labada mudane AHN ka tirsanaayeen xubnihii golaha Wakiilada ee Xisbigii UDUB.


Xildhibaan Axmed Muuse Cige ayaa buuxiyay jagada uu baneeyay AHN Cabdikariin Aw-Cali Shabeel oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbigii UDUB ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, maadaama uu ahaa kaydka shanaad (5) ee Xisbiga UDUB ee ku soo xigay jagadaasi, halka xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed Yoonis buuxiyay jagada uu baneeyay AHN Axmed Cabdi Kaahin markii komishanku u eegay qodobka 78 ee xeerka guud ee doorashooyinka farqadiisa 4aad oo sheegaaya in haddii loo waayo kayd, xisbi ka mid ah xisbiyada kuraasta ku leh golaha wakiilada in labada xisbi ee kale looga soo xulayo, iyadoo loo eegayo tiro badnida codadkii ay ku soo baxeen, sidaa daraadeed Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed oo ah kaydka labaad (2) ee ugu tirada badan xisbiga UCID oo laga soo doortay gobolka Awdal ayaa buuxiyay jagadaasi.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali waxa uu kula dardaarmay labada xildhibaan in ay qaranka ugu adeegaan si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Loading...
Loading...