Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Safarka Muuse Biixi Ee gobollada Barriga Ku Tilmaamay Olalihii Doorashaddii 2017

0
Thursday October 22, 2020 - 18:10:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Safarka Muuse Biixi Ee gobollada Barriga Ku Tilmaamay Olalihii Doorashaddii 2017

    Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Safarka Muuse Biixi Ee gobollada Barriga Ku Tilmaamay Olalihii Doorashaddii 2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Safarka Muuse Biixi Ee gobollada Barriga Ku Tilmaamay Olalihii Doorashaddii 2017

Hargeisa(HWN):-Caaqil Rashiid Jaambiir Kaahin oo ah Afhayeenka Beelaha Garxejis ayaa waraysi uu siiyay telefishanka SAHAN TV, waxa uu kaga hadlay Safarka uu Muuse Biixi ku marraayo gobollada barriga Somaliland.


Caaqil Rashiid Jaambiir Kaahin waxa kale, oo uu ka hadlay arrinta ku saabsan xayirraadda labadda diyaaraddood ee Fly Dubia iyo Al arabia oo uu sheegay in Muuse Biixi uu ku gacan saydhay laba Suldaan oo ergo ahaan ugu tagay si loo fasaxo diyaaraddahaasi.

"Waxaynu wada arkaynay dad calleemo luxaayay oo soo dhawaynaayay, laakiin soo dhawaynta Madaxweynuhu aniga waxay i xasuusisay oo run ah oo aan been ahayn Olalihii doorashooyinka ee u danbeeyay qaabkooddii oo kale ayaa loo maamulay soo dhawayntan.
Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye In Uu Shacabka Kala Qaybinayo – Sagal News

Tusaale ahaan safarkii uu ku tagay Boorama, Wasiirradiisa qaar baa waxay ka shaqaynayeen inay dadka reer Boorama u tusaan in Beeshii hore u taageeri jirtey Xisbiga KULMIYE ee uu Madaxweyne ku-xigeenku ka soo jeedday in lagu badalay reer markii hore mucaarid ahaa oo mucaaridka taageeri jirey oo lagu abaabulay in iyagoo kuwii hore ku xumaynaaya ay soo dhawayn xoog leh sameeyaan.

Dhinaca Barriguna maanta markhaati uma baahna oo Siciid Sulub iyo Kooxdiisu waxay ku olalaynayeen oo ay dadka ku lahaayeen Madaxweynaha soo dhaweeya maanta innaga ayay innoo janjeedhaaye, isagoo u tusaaya in qolo hore oo bahashu u janjeedhay ay ka soo leexatay.

Waxa iyagunna jirey Koox kale oo ay ku jiraan Cabdikarriim Xinnif iyo Niman kale iyagunna waxay ku olalaynayeen Madaxweynihii aynu dooranay yaannay qolo kale innagala wareegine aynu soo dhawayno, waxaanna halkaas ka muuqda noocii olalihii doorashadda ee dadka lagu qaybinnaayay ee Cunfiga lagu abuurraayay." Ayuu yidhi Caaqil Jaambiir Rashiid Kaahin.

Waxaannu intaas ku daray Caaqilku oo uu yidhi "Horta labaddan Shirkaddood ee Fly Dubia iyo Al Arabia waxay ahaayeen laba shirkaddood oo dalkeenna ku xidhi jirey adduunka intiisa kale waxay arrin faa'iiddo wayni ku jirto. Haddii si kale loo eeggana Shaqo abuur baa ku jiroo dad badan baa u shaqaynaayay Xafiisyaddooda Hargeisa.

Arrinta labaddaa Shirkaddood waxa ka ergeeyay laba Suldaan oo marka bahda dhaqanka la eego ka mida kuwa ugu mudan ayaa Madaxweynaha ergo ugu tagay oo ka codsadday innuu fasaxo labaddaas Shirkaddood. Madaxweynuhunna waxa uu u sheegay innuu golaha wasiirrada uu hor gayn doonno, iyaddoo aan anigu qabo in arrintaasi tahay arrin maamul oo aqbalaaddeeda iyo diiddisteedaba ay Madaxweynaha ku xidhnayd, laakiin waxa jira waxyaabo birmagaydo ah oo dadka caynkaas ahi waxyaabaha ay ka ergeeyaan laguma soo celiyo ee waa laga aqbalaa, balse Xukuumaddeenu dhaqankaas malaha oo waxaad ogayd arrintii Caarre oo Madaxdhaqmeedkii ugu miisaanka waynaa Somaliland ay ka ergeeyeen in Madaxweynaheennu uu girgirro adayg ka muujiyay oo diidmo ka muujiyo, dhaqankeennana kuma jirto, laakiin caaddi bay u tahay Madaxweynaha, balse markii golaha Wasiirrada la hor geeyay waxaynu ognahay waxa uu Madaxweynuhu doonnaayanna inaanu jirin ruux ka hor iman karra, waxa uu Madaxweynuhu diidan yahay-na inaanay jirin ruux ku dhaca innuu ogollaado." Ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jambiir

Loading...
Loading...