Gabadh 27 Sannadood Kooma ku Jirtay oo Wax Kala Garatay

0
Wednesday April 24, 2019 - 08:18:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh 27 Sannadood Kooma ku Jirtay oo Wax Kala Garatay

    UAE(HWN)- Gabadh u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta oo shil baabuur ku dhaawacantay sannadkii 1991kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UAE(HWN)- Gabadh u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta oo shil baabuur ku dhaawacantay sannadkii 1991kii

ayaa ka soo mirowday kooma ay ku jirtay muddo 27 Sannadood ah.


Gabadhan oo la yidhaahdo Munira Abdulla oo 32 jir ahayd markii ay shilka gashay oo gaadhi ay la socotay isku dhaceen Baabuur Bas ah, waxaana dhaawac culusi ka soo gaadhay maskaxda.Cusbitaal ku yaalla Jarmalka ayaa daweeyey kadibna waxa u soo noqday garashadii.



Cumar Webair oo ah wiil ay dhashay gabadhan shilka ku dhaawacantay isla markaana la socday xiligii ay baabuurku jiidhay, ayaa sheegay in aanay ka daalin sidii ay dhakhaatiir ula raadin lahaayeen Hooyadii, taasi oo aakhirkii uu ku guulaystay, waxaanu yidhi "Waligay kamaan quusan hooyaday, waayo waxaan rumaysnaa in maalin uun ay ka kici doonto koomada ay ku jirtay muddada dheer.”


"Waxaan u sheegayaa dadka in aanay waligood ka niyad jabindadka ay jecel yihiin, oo aan dadka dhaawacma aan laga soo qaadin qaar dhintay marka ay ku dhacdo dhacdadan na soo martay oo kale,”ayuu yidhi Cumar Webair.



Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...