Jubbaland Iyo Puntland oo gudbiyay Xubnaha ku matalaya Guddiga doorashooyinka Dalka Soomaaliya

0
Thursday October 22, 2020 - 09:25:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland Iyo Puntland oo gudbiyay Xubnaha ku matalaya Guddiga doorashooyinka Dalka Soomaaliya

    Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa iyo hadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa iyo hadda




Dowlad GoboleedyadaPuntland, iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u gudbiyay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kaas oo amba qaadaya howlaha doorashooyinka dalka.

 

Madaxweyne deni ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu gudbiyay Afar xubnood, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay, Axmed Cabdi Hurre, Qawdhan Abshir Garaad, Cabdiraxmaan Biixi iyo Sadam Siciid Axmed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gudbiyay laba xubnood oo katirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey doorashadii muranka sababtay ee dib loogu doortay.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa iyo hadda ay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya ay gudbiyeen Maamul Goboleedyada kala ah, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Puntland, sidoo kalena Maanta la sugayo inay dhankooda soo gudbiyaan Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.

 

20-kii Bishaan ayay ku ekeyd mudada ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda & Dowlad goboleedyada in lagu soo Magacaabo Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, balse dib u dhac uu ku yimid, waxaana dhawaan la filayaa in si rasmi ah Guddiyada loogu dhawaaqo.


Loading...
Loading...