Madaxweynaha Uganda oo RW Guulleed & Marwada 1 aad ee dalka kula taliyay in ay qabiilka ka guuraan!

0
Thursday October 22, 2020 - 09:20:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda oo RW Guulleed & Marwada 1 aad ee dalka kula taliyay in ay qabiilka ka guuraan!

    Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada waddanka Uganda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada waddanka Uganda




Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo marwada Madaxweyne Farmaajo Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

 

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada waddanka Uganda, ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah, kaas oo lagu soo dhoweynayay wafdiga ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu wado in uu ka qeyb galo Munaasabad lagu furayo shirkad balaaran oo soo saarta Sokorta.

 

 

Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliso Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta.


Loading...
Loading...