FBI-da Oo Sheegtay In Iiraan Iyo Ruushka Ay Hayaan Xogta Codbixiyaha Mareykanka

0
Thursday October 22, 2020 - 09:11:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FBI-da Oo Sheegtay In Iiraan Iyo Ruushka Ay Hayaan Xogta Codbixiyaha Mareykanka

    "qeyb ka mid ah xogta diiwaanka codbixiyaha".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"qeyb ka mid ah xogta diiwaanka codbixiyaha".

Saraakiisha ammaanka qaranka Mareykanka ayaa waxa ay ku warrameen in Iiraan ay mas'uul ka aheyd email-lo hanjabaad ah oo loo diray codbixiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga.



Email-lada ayaa waxa ay u muuqanayeen inay ka yimaadeen kooxda midig-ta fog ee gacansaarka la leh Trump, waxaana loogu talagalay in "deganaanshiyo la'aan" lagu horseedo, Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka Mareykanka John Ratcliffe ayaa sidaasi sheegay.


Mr Ratcliffe ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha Mareykanka ay ogaadeen in Iiraan iyo Ruushka ay heleen "qeyb ka mid ah xogta diiwaanka codbixiyaha".

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada.


Xogtan sirdoonka ee aan caadiga ahayn ee la shaaciyay iyadoo doorashada ay sidaas u soo dhawdahay ayaa waxaa loo arkaa inay caddayn u tahay walaaca dowladda ay ka qabto codbixinta la soo farageliyo iyo in olole marin habaabin ah oo ay baahiyaan kooxo shisheeye.


Mr Ratcliffe ayaa sheegay in "email-lada khiyaanada ah" ee Iiraan loo saariyay inay soo direen kooxda Proud Boys si "loogu hanjabo codbixiyayaasha, loo dhiirigeliyo deganaanshiyo la'aan iyo in khasaare la gaysto" Madaxweyne Donald Trump.


Waxa uu intaas ku daray in xogta codbixiyaha ay suuragal tahay in loo isticmaalo in la isku dayo in "xog been ah loo gudbiyo codbixiyayaasha diiwaangashan, taas oo ay rajaynayaan inay horseeddo wareer iyo qalalaase, sidoo kalana ay waxyeeleeyaan kalsoonida aad ku qabtaan dimuqraadiyadda Mareykanka".


Mr Ratcliffe ayaa sheegay in saraakiishu "aanay falal noocaasi oo kale ah ka arag Ruushka", hasayeeshee ay ka warhayaan inay hayaan qeyb ka mid ah xogta codbixiyayaasha.


Gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan, xogta codbixiyaha ayaa waxaa lagu heli karaa in la codsado oo kaliya, walow gobolkasta uu leeyahay shuruudo u gaar ah oo lagu xiro cidda codsan karta xogta codbixiyaha, xogta la heli karo iyo sida xogtaas loo isticmaali karaba, sida ay sheegayso hay'adda qaran ee sharci-dejinta gobollada.


"Haddii aad heshid email hanjabaad ah ama xog been ah ku siinaya, ha walwalin hana faafin," ayuu yiri Mr Ratcliffe, isagoo tallaabooyinka lagu doonayo in lagu farageliyo codbixiiyayaasha Mareykanka ku tilmaamay "iskudayo loo caal waayay oo ay wadaan cadow quus taagan".


Agaasimaha FBI-da Christopher Wray oo Mr Ratcliffe ku wehlinayay shirka jaraa'id ayaa sheegay in hannaanka doorashada ee Mareykanka uu weli yahay mid ah ammaan ah oo "adag".

"Waa inaad kalsooni ku qabtaa in codkaaga uusan halaabayn," ayuu yiri Mr Wray.


Saraakiisha ayaanan bixin faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida xogta codbixiyayaasha lagu helay ama waxa ay suuragalka tahay in Ruushka uu ku sameeyo xogta.


Hay'adaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa waxa ay 2016-kii ogaadeen in kooxo kumbuyuutarrada jabsada oo uu Kremlin-ka taageerayay ay ka dambeeyeen dedaal lagu liidiiyay tartanka madaxtinimada ee Hillary Clinton, iyagoo isticmaalayay weerrar dhanka internet-ka ah iyo warar been abuur ah oo lagu shaaciyay baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan.


Iiraan ayaanay u suuragelin inay si guul ah gudaha ugu gasho hannaanka Mareykanka.

Email-lada laga hadlayo ayaa waxaa loo diray codbixiyayaal u diiwaangashan Xisbiga Dimuqraadiga oo ku kala sugan dhowr gobol, oo uu ku jiro gobolka lagu hardamayo ee Florida, waxaana loogu baaqay inay u codeeyaan Mr Trump ama iska jir waxa kugu dhaca.


"Maalinta doorashada waa inaad u codaysaa Trump ama waynu ku beegsan doonna," ayey email-ladu qorayeen, sida ay ku warramayaan warbaahinta Mareykanka.

"Taageeradaada u weeci Xisbiga Jamhuuriga si aan u ogaanno in aad heshay farriintayada oo misana aad adeecday."


Illaa Arbacadii, in ka badan 40 milyan oo Ameerikaan ah ayaa codkooda xilli hore ka dhiibtay doorashada madaxtinimada ee ay ku hardamayaan Mr Trump iyo musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden.

 

BBC

 

Loading...
Loading...