Muxuu Yahay "Akoon Bangi Ee Trump Uu Ku Leeyahay Shiinaha"?

0
Thursday October 22, 2020 - 09:07:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay "Akoon Bangi Ee Trump Uu Ku Leeyahay Shiinaha"?

    "Inkasta uu akoonka furnaa, haddana weligii looma adeegsan arrimo kale".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inkasta uu akoonka furnaa, haddana weligii looma adeegsan arrimo kale".

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu akoon ka furtay bangi ku yaalla Shiinaha wuxuuna sanado badan ku raad joogay in mashruucyo ganacsi uu ka fuliyo gudaha dalkaas, sida uu ku warramay wargeyska the New York Times.



Akoonka uu ka furtay bangi ku yaalla Shiinaha waxaa maamushaa shirkadda caalamiga ah ee Trump u qaabilsan ganacsiga Hoteellada, wuxuuna bixiyay canshuurta Shiinaha intii u dhexeeysay 2013-kii iyo 2015-kii.


Sababta loo furay akoonkaas ayaa ah "In sahan lagu soo sameeyo heshiisyada ganacsi ee lala galayo hoteellada ku yaalla qaaradda Aasiya" sida laga soo xigtay afahayeen u hadlay Trump.


Madaxweyne Trump wuxuu si weyn u dhaleeceen jiray shirkadaha laga leeyahay Mareykanka ee howlaha ganacsiga ka sameeya gudaha Shiinaha, arrintaas oo horseeday in Shiinaha iyo Mareykanka uu ka dhex qarxo dagaal ganacsi.


Wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaaday arrintani kaddib markii uu helay diiwaan muujinaya canshuurta uu bixiyay Trump iyo midda ay bixisay shirkaddiisa.


Wargeyska ayaa horey u sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kaliya ah $750 doolar oo ah canshuurta dakhliga ah ee Mareykanka, muddadi u dhexeeysay 2016-kii iyo 2017-kii.


Akoonkan uu ku leeyahay Shiinaha waxaa laga bixiyay $188,561 oo doolar oo canshuurta gudaha dalkaas ah.

Trump wuxuu si weyn u dhaleeceen jiray ninka uu loolanka kala dhexeeyo Joe Biden, gaar ahaan siyaasaddiisa ku aadan Shiinaha, xilli lagu wado in 3-da bisha Nofembar ay doorashada ka dhacdo Mareykanka.


Maamulka Trump wuxuu weerar afka ah ku qaaday wiilka Biden ee Hunter taas oo ku aadan in heshiisyo uu la galay Shiinaha. Joe Biden wuxuu sameeyay canshuur celin, warbixinnada dhanka dhaqaalaha ee ku saabsan Biden waxay muujinayaan in wax heshiis ganacsi ah uusan la gelin Shiinaha.


'Xafiis aan shaqeynin'

Alan Garten oo ah qareen u doodayay ha'yadda Trump ayaa ku tilmaamay warbixinta New York Times mid "Hadallo aan waxbo ka jirin oo la isla dhexmarayo" isla markaana ay baahisay "waxyaabo aan dhabta ka turjumeyn".


Wuxuu u sheegay wargeyska in shirkadda caalamiga ah ee maamusha Hoteellada Trump "ay akoon ka furatay bangi ku yaalla Shiinaha, waxayna xafiisyo ku laheyd Mareykanka si ay u bixiso canshuurta gudaha".


"Ma jirin wax heshiis ah oo lala galay ama lacago lagala baxay, mana jirin wax ganacsi ah oo la sameeyay, tan iyo sannadkii 2015-kii xafiiska ma aanay shaqeyn," ayuu yiri Alan Garten.


"Inkasta uu akoonka furnaa, haddana weligii looma adeegsan arrimo kale".

Majallada New York Times waxay sidoo kale ku warrantay in Trump uu akoonno bangi ku leeyahay dalalka shisheeye sida Shiinaha, Britain iyo Ireland.


'Waa in aan soo afjarnaa in aan ku tiirsanaano Shiinaha'

Bishii Agoosto, Madaxweyne Trump wuxuu ku hanjabay in shatiyada uu kala laaban doono shirkad kasta oo sii wada wadashaqeynta Shiinaha.


Khudbad uu jeediyay Trump, wuxuu wacad ku maray in uu sameyn doono 10 malyan oo shaqo muddo 10 bilood gudahood wuxuuna yiri: "Waxaan soo afjari doonnaa in aan ku tiirsanaanno Shiinaha".


Wargeyska New York Times wuxuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay tallaabooyinka Trump uu ku doonayo in fursado uu uga helo Shiinaha, waxay arrintaas u horseeday in sannadkii 2012-kii uu xafiis ka furto magaalada Shanghai.


Diiwaanka dhanka canshuurta ee uu helay wargeyska wuxuu muujinayaa in uu maalgeliyay ugu yaraan $192,000 oo doolar oo uu geliyay shan shirkadood oo yaryar si sanado badan uu mashruucyo ganacsi uga raadsado Shiinaha.


BBC

 

Loading...
Loading...