Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay Fursadaha Maalgashi ee Somaliland

0
Wednesday October 21, 2020 - 18:59:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay Fursadaha Maalgashi ee Somaliland

    Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay Fursadaha Maalgashi ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay Fursadaha Maalgashi ee Somaliland

Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ku sugan wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa faah faahin ka bixiyey fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira, waxaanu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka SKY News qaybtiisa Carabida ku hadasha.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Dalka ku Martiqaaday Ganacsatada Imaaraadka Carabta | Solna


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in ay Somaliland ka jiraan fursaddo maalgashi oo aad u badan , waxaanu dawladda Imaaraadka Carabta ee aynu walaalaha nahay uga mahadceliyey maalgelinta ay ku samaysay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana dekedda magaaladda Berbera iyo mashruuca tamarta Laydhka lagaga dhalinaayo cad ceeda ee duleedka magaaladda Berbera ka socda.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaayey maalgelinta ay dawladda Imaaraadku ka waddo Somaliland ayaa sheegay inuu jiro mashruuc lagaga dhalinyaaro tamarta cad ceeda laydh ay dadku isticmaalaan, mashruucaas oo uu tilmaamay in uu bilaabmay xili ay aad ugu baahnaayeen dadku inay helaan xadi badan oo Laydh ah, si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta reer Berbera , dadka ajaanibka ah ee magaaladaas ku sugan iyo dadka ka shaqaynaaya mashaariicda shirkadda Dp World ka waddo magaaladda Berbera.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo wax laga weydiiyey fursaddaha maalgashi ee ka jira Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan Fursaddo maalgashi oo Somaliland guud ahaan ka jira , kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Xoolaha Nool, Macdanaha , Kalluumaysiga iyo Beeraha, kuwaas oo uu dheeraad ku yahay dhulka Dalxiiska ee Somaliland,.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa uu sheegay in ay Somaliland ka jiraan sharciyo loo raaco maalgashiga, kuwaas oo lagu nidaamiyo maalgashiyadda dalka laga samaynaayo, waxaanu tilmaamay in qawaaniintani ilaalinayaan maalgashigaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlay halka ay marayso balaadhinta dekeda Berbera ayaa sheegay in dhismaha dekeda iyo balaadhinteedu si wanaagsan u socoto, isla markaana ay dhowaan dhammaan doonto, waxaanu tilmaamay in ay ka faa’iidaysan doonaan dadka reer Somaliland oo shaqooyin badan ka heli doona, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka faa’iidaysan doonaan dawladdaha gobolka, gaar ahaana dawladda Ethiopia oo dadkeedu dhawr milyan yihiin, isla markaana aan lahayn bad ay wax kala soo degto, isaga oo tilmaamay in dekeda Berbera ay tahay wadnaha Somaliland.

Loading...
Loading...