"Fankii Dar Alle Ayaan Uga Baxay, Lacagtiisuna..." Maxamed Siciid BK

0
Wednesday October 21, 2020 - 15:02:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Fankii Dar Alle Ayaan Uga Baxay, Lacagtiisuna..." Maxamed Siciid BK

    "Fankii Dar Alle Ayaan Uga Baxay, Lacagtiisuna Waa Tii Budhcadbadeedda Oo Kale" Maxamed BK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Fankii Dar Alle Ayaan Uga Baxay, Lacagtiisuna Waa Tii Budhcadbadeedda Oo Kale" Maxamed BK

Hargeisa(HWN):-Fannaanka caanka ah ee codka dahabiga lahaa Maxamed Siciid Cabdi Bk ayaa waxa uu shaaciyay innuu gebbi ahaan ba joojiyay Fanka, kadib markii uu sheegay innuu go'aansadday inuu si shaqsiyanna uga baxo hawshii Fanka.


Maxamed BK oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu fankii soo gabagabeeyay. - Ogaden24 | Ogaden24


Fanaanka codkiisa laga daba dhacay ee Maxamed Siciid Cabdi Bk oo toddobaadkii inna dhaafay shaaciyay innuu Arbacadda maanta ah joojin doono, isla markaanna ka bixi doono Fanka ayaa ku dhawaaqay innuu si dar Alle ah uga baxay Fankii uu mudada dheer ku soo jirey.

"Fanka inaan ka baxo wax la igu kelifay maaha, wax Ehelku igu kelifayna maaha, cid kale oo caddaadis i saartayna ma jirto, waa wax Dar Alle aan u qaatay go'aankaasi. Fanka waxaan doonnaayay inaan joojiyo Sanadkii 2015-kii, balse markasta waxaan is lahaa Saarku hakaa go'o yaannad dib ugu noqon hadhowtoollee."

"Fanka waxa laga dhaxlaa magac, lacagtiisunna waa ta budhcadbadeedda oo kale oo ay iyadaa ku odhanaysa i bixi oo i soo saar. Horta Xaaska waan u sheegay inaan ka baxaayo Fanka, marka labaad Hooyadda Canab Saleebaan Diiriye oo aan aad u jecelahay ayaa jeclayd inaan ka baxo Fanka, markaa Hooyadda maalin igu tidhi wax ka kheyr badan Alle ha kuugu badalo, anigunna aamiin ayaan idhi, markaa ducaddii Hooyo ayaa Illaahay ii aqbalay.

Dadkii iyo taageerayaashii fankayga jeclaanna waxaan leeyahay ha iga hadhinna ee xaggan kheyr badan ii soo raaca, saaxiibadaydii Fanka waxaan leeyahay dariiqan baa saxdiiyee dhinaca kheyr leh u soo baydha." Ayuu yidhi Fanaan Maxamed Siciid Bk.

Loading...
Loading...