Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shaaciyey Inuu Aqbalay Codsi Uga Yimid Dhalinyarada Caasimada Oo Ku Saabsan Wiil Ku Xidhan Hargeysa

0
Wednesday October 21, 2020 - 14:09:41 in News by
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shaaciyey Inuu Aqbalay Codsi Uga Yimid Dhalinyarada Caasimada Oo Ku Saabsan Wiil Ku Xidhan Hargeysa

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shaaciyey Inuu Aqbalay Codsi Uga Yimid Dhalinyarada Caasimada Oo Ku Saabsan Wiil Ku Xidhan Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shaaciyey Inuu Aqbalay Codsi Uga Yimid Dhalinyarada Caasimada Oo Ku Saabsan Wiil Ku Xidhan Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay codsi ay dhalinyarada Hargeysa goob fagaare ah kaga dalbatay.


Wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlay xaflad lagu qabtay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayey dhalinyaradii ka soo qayb gashay munaasibadaasi ka codsadeen in xukuumadu ay xoriyadiisa u soo celiso Bilaal Bulshaawi oo ka mid ah dhalinyarada Muqdisho kaas oo mudo laba bilood ku dhaw ku xidhan Hargeysa.



Wasiir Maxamed Kaahin oo ka jawaabayey codsiga dhalinyarada ayaa sheegay inuu aqbalay dalabkaas ka yimid da’yarta caasimada, isaga oo xusay inuu si deg deg ah uga hawl galayo sidii uu wiilkaas dhalinyarada ah ee Bilaaw Bulshaawi uu xoriyadiisa u heli lahaa.


Bilaal Bulshaawi oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho ee sida weyn ugu xidhan baraha bulshada ayaa Hargeysa lagu xidhay ka dib markii uu Muuqaal ka duubay shaah lagu qurxiyey calanka Soomaaliya oo uu sheegay in lagaga iibiyey meherad ku taala Hargeysa.


Bilaal Bulshaawi ayaa mudo kor u dhaafaysa 45 cisho ku xidhan xarunta dembi baadhista ee magaalada Hargeysa, marar kala duwan oo maxkamada gobolkak Maroodijeex la horkeenay ayaana loo jaray wakhti rumaan ah oo baadhistiisu sii socoto.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed - Sayruuq News
Loading...
Loading...