Magacyada Wasiiro Isku Khilaafay Xayiraadaha Saaran Shirkadaha Diyaaradaha Ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

0
Wednesday October 21, 2020 - 13:53:55 in News by
  • Visits: 2306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Wasiiro Isku Khilaafay Xayiraadaha Saaran Shirkadaha Diyaaradaha Ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

    Magacyada Wasiiro Isku Khilaafay Xayiraadaha Saaran Shirkadaha Diyaaradaha Ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Wasiiro Isku Khilaafay Xayiraadaha Saaran Shirkadaha Diyaaradaha Ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.


Hargeysa(HWN):-Wasiirada xukuumada Somaliland ayaa maalintii sabtidii ee todobaadkan dood adag ka yeeshay xayiraadaha saaran shirkadaha diyaaradaha ee FLY Dubai Iyo Air Arabia.

Magacyada Wasiirrada Isku Maandhaafay Arrinta Fly Dubai Iyo Al Arabia


Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa daboolka ka qaaday in shirkii golaha wasiirada ay dood adag ku dhex martay wasiirro ku kala aragti duwan xayiraadaha saaran labadan shirkadood, wasiirada qaarkood ayaana doonayey in shirkadaha la sii daayo halka qaar kalena ay soo jeediyeen inay sii xayirnaadan.


Wasiirrada sida weyn u doonayay in shuruud la’aan lagu fasaxo shirkadaha Fly Dubai iyo Al-arabia waxa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Md Maxamed Kaahin oo garab ka helaya wasiirrada ay isku degaanka yihiin ee xukumadda ku jira.


Hase ahaatee waxa doodaas si adag uga horyimid masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin, wasiirka xannaanada xoolaha Siciid Sulub, maareeyaha hay’adda duulista iyo xeer ilaaliya Qaranka.


Dood la isku maandhaafay kadib xayiraadaha shirkadan ayaa golaha wasiiradu cod u qaadeen waxaana awood batay masuuliyiinta doonayay in ay sii xayirnaadaan shirkadahan diyaaradaha waxaanu Golaha badankiisu u codeeyay in ay labada shirkadood xayirnaadaan.


Loading...
Loading...