Gobolka Siti Waa Malko

0
Wednesday October 21, 2020 - 12:31:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Siti Waa Malko

    Waxa qoray: Cabdallah Xaaji Cusmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray: Cabdallah Xaaji Cusmaan.

Gobolka Siti oo ka tirsan Dawlad-Deegaanka Soomaalida, saddex degmo oo ka tirsan ayaa xukuumaddii Males Senawi si jujuub ah u raacisay Deegaanka Cafarta, halkaas oo ay weli dhibaato ka taagan tahay. Ujeedeedda dhulka Soomaalida loo raaciyey gobolka Cafartu ma aha fikir xilligan uun dhashay ee waa aragti fog oo ay qabeen kuwii isaga xukunka uga horreeyey ee Minilig, Xayle Selaase iyo Mangistu. Si aan u garanno danaha gurracan ee ay Xabashidu ka leedahay gaar ahaan gobolka Siti guud ahaanna dhulka Soomaalida, waxaan maqaalkan kooban ku soo qaadan sooyaalkii la isla soo maray.



1862kiiayuu gumaysigii Faransiisku qabsaday Obokh oo ka tirsan Jam. Jabuuti halkaas oo uu heshiis kula galay suldaankii Raxayta. Muddo yar dabadeedna heshiis kale ayuu la galay suldaankii Tajorrah. Ujeeddada uu gumaysiga Faransiisku u soo degay xeebtaa waxay ahayd, waa marka koowaade, in uu helo goob ay maraakiibtiisa ku socota Indojayna (Indochine) ay ku nastaan isla markaana sahayda, biyaha iyo shiidaalkaba ay ka qaataan, waayo xilligaa Ingiriiska oo Cadan qabsaday 1839kii ayaa maraakiibta Faransiika u diiday in ay ku soo xidhaan dekedda Cadan. Waa marka labaade, xilligaa waxa soday hawshii lagu jeexayey Kanaal de Suweys ( Canal de Suez) kaas oo Jabuuti ka dhigay goob malko ah. Waa marka saddexaade waxa jirey heshiis uu gumaysiga Faransiisku la galay gumaysigii Xabashida ee uu Mililig boqorka u ahaa, heshiiskaa oo ahaa ganacsi ay labada dhinac iswaydaarsadaan. Waxa kale oo heshiiska ku jirey in la sameeyo khad tareen oo isku xidha Obokh iyo Addis Ababa. Laakiin in khad tareen halkaa laga sameeyo way suuroobi weyday, waayo? Waa dhul qarfa ah oo buura badan biyuhuna ku yar yihiin ( sida ku qoran buugga "Heritage ou Frustration” Colette Dubois). Boqor Mililig aad buu u jeclaa in khadka tareenka halkaas la soo mariyo, dan baase diidday. Waa markaa kadib waxa gumaysigii Faransiisku u soo diga rogtay halka ay maanta ku taallo caasimadda Jabuuti. 1897kii, ayuu xeebta Cambaado oo Jabuuti Woqooyi-galbeed ka xigta ka soo degay, halkaas oo uu heshiis kula galay odayadii Ciisaha. Heshiiskaa qodobbadiisa waxa ka mid ahaa, in Faransiisku dhulka Ciisaha ka hor joogsado shisheeyaha ku soo duulaya, heshiiska waxa ku jirtay in ilaa goobta la yidhaa Jaldaysa oo Diri-Dhaba bariga kaga toosan, una jirta 20Km in Faransiisku gaadho. Xilligaa Ciisuhu waxay ka cabsi qabeen Xabashida oo 1887kii qabsatay xaruntii islaamka ee Geeska Afrika ee Harar, isla markaana ku soo siqaysay dhulka Soomaalida iyo in Faransiisku dhiso khad tareen oo isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa iyo deked. Xilligaa Ingiriiskuna waxa uu qabsaday gobollada Woqooyi (Somaliland), Talyaaniguna Koonfur. Heshiiskaa uu Faransiisku la galay odayada Ciisaha waxa uu ahaa afka baarkiisa uuna ka baxay, sidaa oo kale ayaa Ingiriiska iyo Talyaaniguna uga baxeen heeshiisyadii ay la galeen Soomaalida. iska daa dhul uu ka horjoogsado e heshiis qarsoodi ah ayaa jiray, kaas oo Xabashida u fasaxayey inay dhulka Ciisaha qabsadaan marka laga reebo inta uu isagu rabo, hubka ay dhulka ku qabsadeena isaga iyo In giriiska ayaa siin jirey Xabashida.


1900kii, ayaa si rasmiy ah loo bilaabay dhismaha khadka tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa, 1917kiina waa la dhammays tiray. Khadkaa tareenka dhererkiisu waa 752km. 420km waxa uu maraa dhulka Ciisaha (Gobolka Siti Deegaanka Soomaalida). 1934kiina waxa la bilaabay in la xarriiqo xuduudda kala qaybisa dhulkii Ingiriisku qaatay (Somaliland), qaybtii Xabashida la siiyey iyo intii Faransiisku goostay. Hawshaa lagu xarriiqay xuduudda oo laga soo bilaabay carro Dhulbahante markay soo gaadhay goob aan sidaa uga fogayn halka ay ku kulmaan saddexda xad, ayaa Ciisihii ka dhiidhiyeen dhulkooda gaaladu soorantay. Waxay go’aansadeen inay ka dagaallamaan, soddon dhallinyaro oo is urursatay ayaa 30Mars 1934kii weerar ku qaadday injineerkii loo soo kiraystay inuu calaamadiyo xadka iyo raggii la shaqaynayey oo wata gaadhi Landrover ah, ninkaas oo la odhan jirey Emil Beitz. (Warkan waxaan ka soo xigtay Facebook-ga Mohamed Malim Osman, oo deggan Diri-Dhaba) Dhallinyaradii waxay beegsadeen gaalkii oo cagaha wax ka dayey, markay muddo baacsanayeen ee ay ka hadhi waayeen ayuu bastoolad uu sitay miciinsaday, waxa uu gacanta ka dhaawacay Bahdoon Diirrane oo ka tirsanaa dhalliyaradaa, isagiina goobtii ayaa lagu bireeyey gaalkii. Gaalkaas dilkiisa waxa taariikhda ku galay Bahdoon Diirrane. Arritaa dawladdii Xayle Selaase waxay u soo qabqabatay shacabkii halkaa degganaa oo odayo u badnaa. Maalmo kadib waxa isa soo dhiibay Bahdoon Diirrane oo soo furtay dhammaan Ciisihii ay Xabashidu xidhxidhay. Bahdoon xadhig dheer baa lagu xukumay, waxana lagu xabbisay xabsiga caanka ah ee la yidhaa Aalam baqa (Adduun kuu dhammaa) ee ku yaal Addis Ababa. 1937kii markii Talyaanigu qabsaday Itoobiya ayaa xabsiga laga sii daayey isagoo halkaa aad ugu rafaaday. Waxa kale oo jiray nin ka tirsanaa dhallinyaradaa gaalka dishay oo la odhan jirey Rayaale Gaaxmaal oo gumaysigii Ingiriisku ku dilay magaalada Saylac(Sida ku qoran buugga Garbaduubkii Gumaysiga,Farax M. J. Cawl, 1978 ).


Xuduudda ay xarriiqeen gumaystayaasha reer Yurub waxa ka muuqata in ay iyagu qaateen oo ay isku koobeen xeebaha Soomaalida, kana qadiyeen gumaysigii xabashida ee rabay inuu wax ka helo xeebaha Soomaalida, waayo? Iyaga dani uguma jirin in Xabashidu xeebaha wax ka hesho. Xayle Selaase oo Itoobiya boqor ka noqday sannadkii 1930kii, qudhiisu waxa uu dedaal badan u galay sidii adeerkii Mililig oo kale inuu hantiyo xeebaha Soomaalida iyo Ilateria ( Erythrea). Dagaalkii labaad ee dunidu markii uu dhammaaday ee la jebiyey Jarmalkii iyo Talyaanigii xulifada la ahaa, ayaa dalka Ilateria oo Talyaanigu gumaysan jirey ay Jimciyadda Qurumuhu federal ahaan u raacisay dalka Itoobiya, laakiin Xayle ayaa khiyaamay oo si rasmi ah ugu biirsaday dalkiisa. Waxa kale oo uu dedaal badan u galay, in Soomaaliya oo dhanna lagu soo daro Itoobiya. 1960kii, markii ay midoobeen labadii gobol ee ay kala haysteen Ingiriiska iyo Talyaanigu ee ay noqdeen Jamahuuriyaddii Soomaliya, Itoobiya aad bay uga xumaatay. Waxay isku tijaabisay inay qabsato gobolladii Woqooyi. Bishii Abril 1960kii, markii uu Maxamed Ibraahim Cigaal iyo wafdi uu hoggaaminayey ay gumaysigii Ingiriiska la soo sexeexdeen, in gobollada Woqooyi gobannimada qaataan 26ka Juun 1960ka, ayaa wafdigu waxay soo mareen Addis Ababa si ay Xayle Selaase uga codsadaan in uu Somaalida u soo celiyo Hawd iyo Reserve Eeria oo uu Ingiriisku Xabashida ku wareejiyey sannadkii 1954kii. Inkastoo kulankii ay la yeesheen boqorka Xabashida uu ku soo dhammaaday natijo la’aan, haddana maalmihii ay Addis Ababa joogeen waxay la kulmeen safiirkii Soodaan Itoobiya u fadhiyey , kaas oo ka wargeliyey wafdiga Cigaal in Xabashidu diyaar u tahay weerar ay ku soo qaaddo marka ay Soomaaliya gobonnimada qaadato si ay u qabsadaan dekedda Berbera. (Warkan sirta ah iyo kulankii dhex maray Xayle Selaase iyo wafdiga Cigaal oo faahfaahsan waxaad ka heli buugga xusuus qorka ee Danjire Axmed Maxamed Qaybe soona baxay 2015kii.)


1964kii, talihii ciidanka Itoobiya ee degganaa gobolka Soomaalida oo la odhan jirey janaral Amaan Mikaa’iil Andom, waxa uu warqad u diray boqor Xayle Selaase. Warqaddaas oo uu leeyahay waxaan xoog ku qabsan karaa ilaa dekedda Berbera ee boqorkaygiiyow ii fasax ( Sida ku qoran buugga Dagaalkii Ogaadeenia76-77kii ee uu qoray Dr. Saadiq Eenow 2018).Dabadeed ciidankii Xabashidu weerar xoog leh bay ku soo qaadeen gobolladii Woqooyi gaar ahaan Dabagorayaale, Gorayacawl, Wajaale iyo Ina-guuxa. Jabkii ciidanka Xabashida ku dhacay waagaa taariikhday ku qoran tahay. Janaraal Amaan Mikaa’iil Andom waxa la sheegay inuu dagaalkaa ku waashay oo dhakhtar loola cararay( Sida uu sheegay Allaha u naxariistee Cabdillaahi Ducaale oo qori jiray wargeyskii Iftiin, Jabuuti).Dagaalkaa waxa ku indha beelay laba ka mida saraakiishii dagaalka hoggaaminaysay, kuwaas oo iyagoo la hoggaaminayo la soo fadhiisin jiray huteel ku yaal magaalada Diri-Dhaba.


Khadka tareenka ee Jabuuti ka soo baxa marka uu marayo Ayshaca waxa uu aad ugu dhaw yahay xuduudda Somalilandgaar ahaan magaalada Cabdulqaadir( Gobolka Selel.) Xayle Selaase waxa sida dharaarta ugu muuqatay halista ay ku jirto waddadaas dhuunta Itoobiya ah. Si uu uga gaashaanto waxa uu dhistay dekedda Casab oo ka mid ah dhulka Ilateria (Erithreya) ee uu boobay, wadda laami ah oo isku xidha Casab iyo Hawaasna uu dhisay (665km). Waddadaas waxa dhexda kaga soo biirta waddo iyaduna laami ah oo ka timaadda Jabuuti. Dariiqaa Casab iyo Hawaas isku xidha waxa uu dhulka Ciisaha ka maraa saddexda degmo ee kala ah Candhuufa, Caddati iyo Garba-Ciise ( Waa degmooyinka la rabo in laga soo gooyo gobolka Soomaalida oo lagu daro Deegaanka Cafarta). Waxa kale oo uu Xayle Salaase Casab ka dhisay warshad saliidda lagu safeeyo. Saddexda degmo xilligii Xayle iyo Mangistu waxa ay ka tirsanaayeen oo laga xukumi jirey gobolkii Hararge ee xaruntiisu ahayd Harar. Kadib dhismihii dekedda Casab, dawladda Itoobiya waxay bilawday inay si qunyar-qunyar ah alabtii ay kala soo degaysay Jabuuti iyo kuwii ay ka dhoofinaysayba u soo wareejiso Casab.( sida uu sheegay waaligii Faransiiska u joogay Jabuuti, 58-62, Jacque Compain ‘INA’.)


1977kii, markii ay Jabuuti xorowday alaabtii ay halkaa kala soo degaysay waxay ku soo koobtay boqolkiiba toddoba keli ah. (sida uu sheegay madaxwene I.O.G sannadkii 2000, mar lagu waraystay R.T.D)


1991kii, waxa xukunkii Itoobiya xoog kula wareegtay jabhadii E. P. R. D. F. (The Ethiopian Peoples Revolutionary Democratic Front) ee qolada Tigreegu hormoodka ka ahayd isbeddelkana keentay. Isbeddelkaasi waxa uu keenay in distoor cusub loo sameeyo dalka Itoobiya 1994kii. Distoorka cusub waxa lagu daray in qawmiyadaha Itoobiya la siiyo maamullo u gooniya oo iyagu soo doortaan. Dalkii oo dhan waxa loo qaybiyey sagaal Killil (Gobol ) oo ku salaysan qawmiyado.


Qawmiyadda Soomaalida oo distoorkan ka hor dhulkeeda la kala raaciyey saddexdii gobol ee kala ahaa Hararge, Bale iyo Sidamo, ayaa markii u horraysay nasiib u yeelatay in dhulkooda iyo dadkoodaba la mideeyo. Soomaalidu waxay noqotay qawmiyadda labaad ee ugu dhul ballaadhan qawmiyadaha Itoobiya. (327,068km2). Nidaamkan cusub ee ku dhisan qawmiyadaha waxa ka dhashay isqabqasi ka yimid meelaha xuduuduhu iska soo galaan, waxa ka mida Soomaalida iyo Oromada oo ku murmay degmooyin badan oo ku yaal xuduudda ay iska soo galaan. Doodo iyo muran badan ka dib, dawladdii Tigreegu waxay meel marisay xeer dhigaya in degmooyinka qawmiyaduhu isku qabsadaan dadka halkaa deggan afti laga qaado dabadeedna halkii ay u bataan la raaciyo. Sannadkii 2004tii ayaa afti laga qaaday degmooyin badan oo ku yaal xuduudda u dhaxaysa Somaalida iyo Oromada. Cod bixintii Xiilligaa la qaaday oo si madmadow ku jiro u dhacday, degmooyin badan oo Soomaalidu degto ayaa Oromiya la raaciyey sidaana lagu xalaashaday. Dhinaca kale, saddexda degmo ee kala ah Candhufa, Caddayti iyo Garba-Ciise oo ay hoos yimaaddaan dhul ballaadhan oo xoolo-daaqeen ah oo ay dhex marto waddada labaad ee lagu tiriyo inay tahay dhuuntii Itoobiya cidina Soomaalida ku haysan, ayaa Meles Senawi waxa uu ku eegay indhihii Mililig, Xayle Selaase iyo Mangistu.


Meles wuxuu madaxdii Gobolka Soomaalida ee xilligaa si cad ugu sheegay in saddexdaas degmo la raacinayo deegaanka Cafarta, farahana kala baxaan. Warkaasi markuu soo baxay, odayadii degaankaas iyo madax ka tirsan Gobolka Soomaalida oo uu horkacayo Ugaas Mustafe ayaa Meles ugu tegay Addis Ababa. Wafdigu waxay Meles kala hadlen arrintii ay u socdeen oo ah saddexda degmo. Dhawr oday ayaa goobtaa ka hadlay oo iska daba qaatay hadalka, waxay yidhaahdeen, Iyadoo maanta dalka Itoobiya dimuqraadiyadi ka jirto oo qawmiyaduhu haystaan ismaamullo u gaar ah oo ay soo doortaan dadkoodu, guushaasna adigu aad keentay, waxaan mudane garan weynay sababta gobolkayaga looga reebay saddexda degmo ee kala ah Caddayti, Candhuf iyo Garba-Ciise, kuwaas oo kaabayaashii horowmarka oo dhan ka qatan, waxaan maanta u soconnaa oo aan kaa rabnaa in saddexdaa degmo sida xeerka qawmiyaduhu dhigayo lagu soo daro Gobolkayaga Soomaalida. Waxay odayadu intaa raaciyeen, mudane ra’iisal wasaare waan oggol nahay xitaa in dadka halkaas deggan afti laga qaado oo dhinaca ay doortaan la raaciyo, sida aan horeyba ugu kala baxnay qawmiyadda Oromada ee aan ood-wadaagta nahay.


Dabadeed hadalkii waxa qaatay ra’iisalwasaare Meles oo hadalkii ku soo koobay, dawladda ayaa go’aansatay in saddexdaas degmo lagu daro gobolka Cafarta Odayadii markay ku soo noqdeen gobolkoodii, dadweynihii bay uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen Meles Senawi. Intaa kadib waxa la qabtay bannaanbaxyo waaweyn oo isdaba joog ah laguna diiddan yahay go’aanka ay dawladdu dhulka Soomaalida ku raacinayso gobolka Cafarta. Jawaabtii xukuumadduna waxay noqotay dil, xadhig iyo cadaadis joogto ah. Ujeeddada ay dawladdu go’aankan u qaadatay waa mid stratijiyad ku lug leh oo ah, in waddada labaad ee dhuunta Itoobiya ah ee soo dhex marta saddexdaa degmo laga gooyo gobolka Soomaalida si aanay u hoos iman xarunta Jigjiga.


Kolkay arrimuhu halkaa marayaan, ayaa dood dheer oo ay yeesheen waxgaradkii iyo odayadii saddexda degmo waxay dawladda federaalka ah oggolaysiiyeen in maamul-hoosaad iyaga u gooni ah la siiyo af koogana isku maamulaan waxna ku bartaan. Sannadkii 2014kii, waxay dawladdii Meles magaalada Hawaas oo ka tirsan gobolka Cafarta shir ugu qabatay madaxda labada gobol ee Soomaalida iyo Cafarta. Waxay halkaa kaga sexeexday qodobbo ay iyadu diyaarisay. Qodobbada heshiiska waxa ka mid ah.


-1) In ay Saddexda degmo ee kala ah Garba Ciise, Cundhufa iyo Caddaytiiyagu ismaamulaan lagana hirgeliyo saddexda waaxood ee dawliga ah( Baarlamaan, Fulin iyo Maxkamad).


-2) In ay luqaddooda isku maamulaan waxna ku bartaan

-3) In maxkamadaha Af-Somaali lagu maamulo

-4) In ay xildhibaanno iyaga ka wakiil ah ku yeeshaan heerarka kala duwan ee Dawlad-Deegaanka Cafarta sida: Heer gobol, heer degmo iyo heer Deegaanba.


-5) In Deegaanka Cafartu saddexdaa degmo u qoondeeyo miisaaniyad ku filan oo ay ku fushadaan horowmarkooda.


-6) In si gaar ah Dawlad-Deegaanka Soomaalidu uga taageerto dhanka manhajka, waxbarayaasha iyo tababarkooda.


-7) Dawladda Federaalku waa in ay ka shaqayso dabagalka heshiiska labada Deegaan inuu hirgalay iyo in kale, sidoo kale waa in ay ka taakulayso shacabka saddexdaa degmo siday u heli lahaayeen horowmarka aasaasiga ah sida biyo nadiif ah, caafimaadka, waxbarashada iyo W.M.


Kol haddii heshiiskan si qoorqabad ah lagu meel mariyey waddo kale oo furan ma jirto, sidaa daraaddeed wax garadkii iyo shacabkii degmooyinkaasi waxay isla garteen in aan dawladda dhexe go’aankeeda laga hor iman si aan la iskugu dhicin, isla markaana loo hawl galo meel marinta qodobbada ku jira heshiiska. Waxa la is tusay in Cafarta wax la wada yeelan karo, sida Jabuuti ba Ciisaha iyo Cafartu wax u wada leeyihiin. Laakiin Dawlad-deegaanka Cafartu uu ka meermeeray fulinta qodobbadii heshiiska, taasi waxay dhalisay in dadweynihii saddexdaa degmo ay mudaaharaadaan iyagoo codsanaya in loo sameeyo adeegyadii dadweynaha. Iska dhaaf wax ay dhisaane, maamuulkii degaanka Cafartu waxa uu bilaabay cadaadis xoog leh oo aan loo adkaysan karin ujeeddaduna tahay in Ciisaha laga barakiciyo dhulkooda.


Sannadkii 2018kii, markii isbeddelku ka dhashay dalka Itoobiya oo ahayd xilli kala guur ah, waxa gobollo badan oo dalka ah ka dhacay dagaallo qawmiyadaha ka dhex qarxay. Dawlad-Deegaanka Cafartu waxay xilligaa bilaabeen iyagoo adeegsanaya ciidanka Liyuu Booliska ( Booliiska gaarka ah)hub culusna wata inay duullaan ballaadhan ku soo qaadaan dhulka Ciisaha, ujeedkooduna yahay in ay Ciisaha soo barakiciyaan. Inkastoo dad aan ka yarayn 200 ( laba boqol) oo Ciise ahi ku dhinteen xoolo bandanna ay boojiyeen, haddana sutida ayaa loo qabtay oo waa la iska difaacay.


Markii ay heshiiskii fulin waayeen isla markaana dagaalkii iyo colaaddii ay joojin waayeen, ayaa golaha xukuumadda Deegaanka Soomalida oo uu guddoominayo madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar shir iskugu yimaaddeen 4tii May 2019kii, waxayna go’aamiyeen sidan: kol haddii Deegaanka Cafartu fulin waayey heshiiskii qoorqabadka ahaa isla markaana ay dhibaato u gaysteen shacabkii, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 4ta May 2019ka, heshiiskaasi waa waxba kama jiraan, waxa kale oo ay isku raaceen in aanu heshiiskaasi wax sal ah ku lahayn distoorka dawladda federaalka ee Itoobiya oo uu markiisii hore ba qoorqabad ahaa.


Markii ay colaaddii dami weyday ayaa dawladda dhexe shir ugu qabatay Addis Ababa madaxda labada deegaan bishii Octoobar 2019kii. Shirkaa waxa laga soo saaray dhawr qodob oo colaadda lagu joojinayo, waxa goobjoog ka ahaa ra’iisalwasaare Abiy Axmed, qoddobada lagu heshiiyey waxa ka mid ah:


1)In mar walba rabitaanka shacabka la tixgeliyo

2)In dadka hubaysan la kala fogeeyo

3)In gef weyn oo qarannimada wax u dhimaya ay ku kaceen maamulka Cafartu markay warar ku-tidhi-ku-teen ah ay ku baahiyeen saxaafadda dalka

4)In deegaamaynta cusub ee is-maamullada qaar wadaan la joojiyo.

5)In ciidammada milaterigu ay ilaaliyaan amniga iyo bedqabka shacabka iyo xoolaha.

6)In Cafartu soo celiso xoolihii ay ka dhaceen shacabka Deegaanka Soomaalida.


Qodobbadan lagu heshiiyey waa kuwo colaadda markaa taagnayd oo keli ah lagu qaboojinayo ee ma aha qaar keenaya xal kama dambays ah, waxa muuqata in uu Abiye ka meermeerayo xal ka gaadhidda saddexda degmo ee sida sharci darrida ah loo raaciyey Deegaanka Cafarta. Isweydiintu waxay tahay, ma sidii kuwii ka horreeyey ee Mangistu iyo Meles ayuu damacii Mililig iyo Xayle Salaase ku raaci doonaa? Mise xeerka Federaalku sida uu dhigayo ayuu ku talin doonaa? Xeerkaas oo ah, in degmooyinka ay qawmiyaduhu isku qabtaan ku kala baxaan afti.


Haddaba madaxda Dawlad-Deegaanka Soomaalida hawl weyn baa u taal, hawshaas oo ah sidii Garba Ciise, Candhufa iyo Caddayti loogu soo celin lahaa gobolka Soomaalida iyadoo la raacayo laguna adkaysanayo xeerka Federaalka ee dhigaya in qawmiyaduhu afti ku kala baxaan. Waa in aan dib dambe loo oggolaan heeshiis qoorqabad ah oo shacabka Soomaalida dhib u keena.


U dambayn, madaxweyne Mustafe iyo xukuumaddiisu waa inay xamaanta u qaataan sidii loo dhammayn lahaa colaadda boqollaalka sano soo jirtay ee dhex taal Cafarta iyo Ciisaha, waayo? Cafartu waa dad muslimiin ah ood-wadaag na waan nahay meel aan kala tagayno ma jirto, oo Ilaahay baa iskeen baday. Colaaddan guunka ah ee inna dhex taal cadaw bay dani ugu jirtaa, si taa looga baxo xukuumadda Deegaanka Soomaalida waxa la gudboon in ay martiqaad u fidiso oo ay ku soo dhaweyso Jigjiga iyo Diri-Dhaba madaxda, waxgaradka iyo dhallinyarada Deegaanka Cafarta si loo tuso niyadsami iyo wanaag. Halkaasna laga bilaabo is aamin iyo isdhexgal lagu gaadho nabad waarta. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘’Oodi Ab Ka Dhaw’’.


Waxa qoray: Cabdallah Xaaji Cusmaan.

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...