Koox Internetka Lacago Ka Dhacay Oo Deeq Lacageed Dhiibay

0
Wednesday October 21, 2020 - 09:59:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Internetka Lacago Ka Dhacay Oo Deeq Lacageed Dhiibay

    Kooxda Darkside ayaa sheegatay in malaayiin dollar ay ka dhaceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Darkside ayaa sheegatay in malaayiin dollar ay ka dhaceen

How to become a haking expert - Quora


Burcad internet-ka ayaa lacag la soo xaday ugu deeqaya hay`adaha gargaarka, arrintan oo loo arkay mid ka mid ah dembiyaha ugu xun ee barta internet-ka laga geysto.

 

Kooxda Darkside ayaa sheegatay in malaayiin dollar ay ka dhaceen shirkado, balse waxay xuseen inay haatan doonayaan inay dunida ka dhigaan meel ku habboon in lagu noolaado.

 

Qoraal ay soo dhigeen bartooda internet-ka ayay ku soo bandhigeen risiid $10,000 oo loogu deeqay labo hay`ad gargaar. Hay`adahas waxaa ka mid ah Children International, oo sheegtay inaysan qaadan doonin lacagtaas. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid la yaab leh.

 

Brett Callow, oo falanqeeya howlgallada burcadda internet-ka kana tirsan shirkadda Emsisoft, ayaa sheegay inaysan caddeyn hadafka dembiilayaasha. Wuxuu sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu arko koox burcad internet-ka ah oo ficilkan oo kale sameynaya.

 

Qoraal ay soo dhigeen bartooda 13-kii October, ayay burcaddan ku sheegeen inay keliya bartilmaameedsan doonaan hay`adaha waaweyn.

 

Waxay gacanta ku dhigaan oo ay afduubtaan hannaanka teknolojiyadeed ee shirkadda ilaa madax furasho laga siiyo.


Loading...
Loading...