Xisbiyaal Ku Sheegoow, Xanaftaad Ubuurteen, Xal Maw Raadiseen Weli.
1-XIDHASHADA JILAWDIYO,ISXAMOORKA MADANEEN,
XIGMAD HOOS JIRINIYO,XARAGADA BILAASHKA AH,
XOOLAHII DADWEYNAHAN,XULUFAYSI LOO GALAY,
XARFAD LOO YAQAANEE,XATOYO AY XALAALTAY.
2-XARAGO QAADIS TAHAYE,XADHIG TUGA QABANAYN,
XIGMAD HORE WAXAY TIDHI,RUUXAAN XISHOONAYN,
DAGAAL KAMA XABAYO,XUMAHA LA QURUX BADAN,
XISBIYAAL KU SHEEGOOW,XANAFTAAD UBUURTEEN.
3-XAL MAW RAADISEEN WELI,XANTIINA WAAD OGSONTIN,
XEESHIIS DADWEYNAHAN,XAMAR KOLAAY U YAACAAN,
LAYDINMA XARAYSNOO,XAQ WAXAAN U LEENAHAY,
XAG LAYDIINKA GUURABA,INAAD XIDHAAN ALBAABADA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!