Madaxweyne Ha Ka Hadlin Arrimaha Gudaha Ee Dalalka Kale

0
Sunday February 03, 2019 - 10:20:47 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ha Ka Hadlin Arrimaha Gudaha Ee Dalalka Kale

    Hore ayaa dad badani kaaga cawdeen kulankii aan meelna haysan eed markii lagu doortayba ku maamuustay wakiilka Jabuuti gurigii madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hore ayaa dad badani kaaga cawdeen kulankii aan meelna haysan eed markii lagu doortayba ku maamuustay wakiilka Jabuuti gurigii madaxtooyada. Madaxweyne waxa wax aad looga xumaaado ah kana baxsan diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ahba  inaad ka hadasho arrimaha gudaha ee dalal kale, taas ood marar badan ku celecelisay.  Arritaasi xasaasiyad gaara ah ayay leedahay marka ay khusayso dalalka aynu jaarka nahay gaar haan Jabuuti iyo Ethiopia.  Munaasabadii xuskii maalinta ciidamada qalabka sida waxaad si lama filaan ah khudbadaadii ugu soo dartay codsi aad u dirayso masuuliyiinta kililka shaanad ee Ethiopia. Madaxweyne Kililka shanaad waa gobol ka tirsan gobolada Ethiopia wixii dhibaato ah ee ka jirana masuuliyada xallinteeda waxa iska leh madaxda sare ee dalka Ethiopia.   Xaqiiqaadiina rmarkaa aad adigu codisgaa diraysay Raiisal Wasaaraha Ethiopia ayaa arintaa soo af-jaray, codsigaagauan wuxuu ahaa mid aan meel haysan.


Hore ayaa dad badani kaaga cawdeen kulankii aan meelna haysan eed markii lagu doortayba ku maamuustay wakiilka Jabuuti gurigii madaxtooyada.  Ma qiyaasi kartid weji gabaxa iyo bahdilaada ay keentay ku reebtay aqoonyahan badan oo reer Somaliland ah markii ay shaashaadaha telefishanada ka soo baxeen nin koodad buurbuuran oo is cufaya iyo madaxweynahii qaranka la doortay oo qosoal ku maaweelinaya. Tii hore maantana tu ka daran oo ah "walaalayaal iska heshiiya” ayaad ku dartay.  Hadalkaasina maaha hadal madaxweyne.

Madaxweyne adiga waxaa laguu doortay "Somaliland” mana jirto sabab aad waddamo kale arrimahooda gudaha uga hadasho.  Marka aad kililka shanaad ku leedahay walaalayaal iska heshiiya ogow waxa la isku horfadhiyaa gobolka Salal eed masuulka ka tahay, manaad soo hadal qaadin.  Inta badan khaladkana waxa masuuliyadeeda leh xashiishkan aad dhigatay madaxtooyada iyo warfaafinta oy ahayd inay khudabadaha madaxweynaha saxar tiraan.  Haddii aan arrinka imminka wax laga qabana waxaynu sugnaaba waa madaxweynaha oo yidhaahda Galmudug iyo Ehlu Sunna walaalayaal idinkuna iska heshiiya.

Abokor Barud
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...