Drs.Aamina Xirsi Mooge Oo Furaysa Warshada Sonkorta Ee Uga Weyn Waqooyiga Uganda Iyo Maalgashiyada Kale Ee Ay Ku Guulaysatay+Sawiro

0
Wednesday October 21, 2020 - 00:23:14 in News by
  • Visits: 4086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Drs.Aamina Xirsi Mooge Oo Furaysa Warshada Sonkorta Ee Uga Weyn Waqooyiga Uganda Iyo Maalgashiyada Kale Ee Ay Ku Guulaysatay+Sawiro

    Drs.Aamina Xirsi Mooge Oo Furaysa Warshada Sonkorta Ee Uga Weyn Waqooyiga Uganda Iyo Maalgashiyada Kale Ee Ay Ku Guulaysatay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Drs.Aamina Xirsi Mooge Oo Furaysa Warshada Sonkorta Ee Uga Weyn Waqooyiga Uganda Iyo Maalgashiyada Kale Ee Ay Ku Guulaysatay+Sawiro


Kampala(HWN):-Drs. Aamina Xirsi Mooge oo ka mid ah ganacsatada ugu waa weyn geeska Afrika ayaa ku guulaystay inay dhamaystirto warshad soo saaraysa sonkorta oo laga hirgeliyey dhinaca waqooyi ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguto Museveni ayaa la filayaa inuu maalinta khamiista ah xadhiga ka jaro warshada sonkorta ee Atiak oo horumar iyo dakhliba ku soo kordhin doonta wadamada geeska Afrika.




Warshadan oo ay hirgelisay Drs. Aamina Xirsi Mooge oo hore wadanka Uganda uga hirgelisay ganacsiyo waa weyn oo ay ku samaysay maalgashi badan ayey hadana u suuragashay inay dhamaystirto warshada soo saaraysa sonkorta oo dhismaheedu socday sanooyinkii ugu dambeeyey.


Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la fiyo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar balaadhan ka dib marka la gaadhsiiyo wadamada ku yaala gobolka.


Hirgelinta warshada sonkorta ee Atiak ayaa Drs. Aamina Xirsi Mooge u noqonaysa guul kale oo ay ka gaadhay maalgelinta balaadhan ee ay ku samaysay wadanka Uganda, waxaanay warshadani ku biiraysaa maalgelintii ay hore ugu samaysay sibidhka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda.


Sidoo kale waxa ka mid ah ganacsiyada balaadhan ee ay ka hirgelisay wadanka Uganda Oasis Shopping Mall oo ku yaal xaafadda ganacsiga ee badhtamaha caasimada Kampala iyo Guryaha Laburnam Courtsoo ku yaal Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala.


Furitaanka warshada sonkorta ee Atiak ayaa la filayaa in maalinta khamiista ay ka soo qayb galaan madaxweynaha Uganda iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha wadamada geeska Afrika kuwaas oo ka socda dalalka Kenya, Somaliland, Soomaaliya Iyo weftiyo kale oo caalami ah.






Loading...
Loading...