Faallo:-Muuse Biixi Oo Mashruuc Siyaasaddeed Ka Dhigtay Soomaaliya!

0
Tuesday October 20, 2020 - 16:44:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Muuse Biixi Oo Mashruuc Siyaasaddeed Ka Dhigtay Soomaaliya!

    Hadalkaasi waxa uu ahaa mid aan khusayn Xafladdii qallin-jebinta ee Ardayda jaamacadda Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalkaasi waxa uu ahaa mid aan khusayn Xafladdii qallin-jebinta ee Ardayda jaamacadda Burco,

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiye Muuse Biixi ayaa maalintii shalay waxa uu hadal dheer ka jeeddiyey Jaamacadda gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay ku Qallin-jebinnayeen 499 (Afar boqol iyo sagaashan iyo sagaal) Arday, waxa uu u sheegay in magaalada Burco ay tahay meeshii lagaga dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland 1991-kii, waxaannu sheegay in cadowgu uu si gaar ah isha ugu hayo magaaladda Burco iyo dadkeedda.


Hadalkaasi waxa uu ahaa mid aan khusayn Xafladdii qallin-jebinta ee Ardayda jaamacadda Burco, waxaannu ahaa hadal xambaarsan Dhaxli iyo caddaawad lagu beerraayo Dhalinyaradda wax baratay, hase yeeshee Muuse Biixi waxa uu hadallada caynkaas ah ku qarinnaayay Faashilka Xukuumaddiisa ku dhacay, maamul-xumidda, Caddaalad-daradda, musuqmaasuqa iyo sida ay shacabku faro madhan uga taagan yihiin adeegyaddii bulshaddu ka sugaysay Xukuumaddiisa, balse si uu Indhaha shacabka iyo aqoonyahannadaba isaga sii jeeddiyo waxa uu fagaarayaasha la tagaa hadalo nacayb iyo caddaawad muujinnaaya.
Muuse Biixi oo dalbaday in Wadahadal lagu xaliyo colaadda Sool [DAAWO]

"Burco waxaan ka rabbaa qaranka ilaalintiisa. Waxa la yidhi doqontu 13 Indhood oo waa wayn ayay leedahay, hal mid ayay Cadowga isaga eegtaa, 12-ka kale waxay ku eegtaa Sokeeyaha, markaa Niman halkan ah oo soomaaliyeed oo aynu berrina wax wada galnay wax alaala iyo waxa dhibaato haysata, cadowgoodda iyo dalkoodda midna ma eeggaane 13-ka Indhoodba Somaliland bay soo eeggaan, weliba Burco ayay si gaara u soo eeggaan, waayo Burco waa halkii 18 May laga taagay Calanka" Ayuu yidhi Muuse Biixi

Marka Maamulladu fashilmaan ee wixii ummaddu u igmatay ay waddi kari waayaan waa sidan oo kale uun! Maxay tahay caddaawadda ka dhaxaysa magaalada Burco iyo dalka Soomaaliya? Ma filaayo inay cadaawaddaasi jirto, balse hadallada lagu yaqaan hoggaamiyeyaasha faashilka ah uun ka soo qaad.

Sidoo kale, Muuse Biixi khudbaddaha uu ka jeeddiyo fagaarayaashu maaha kuwo ka turjumaaya mustawaha uu qaranka ugu jiro, isla markaanna waa kuwo ka hooseeya oo aad u liita, isagoo markasta oo uu hadlaayo Cannaan iyo hadalo aflagaado ah kala dul dhaca Shacabkii doortay Saddex sano ka hor, taasoo uu markasta ku riixo inay qayb ka noqdaan Xalka lagu fardaaminnaayo dhibaatooyinka dalka ka jira, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaan ummadda reer Somaliland oo dhan laga sugaayo Xalkeedda, iyaddoo ay ummaddu u dooratay isaga waa (Muuse Biixiye), innuu wax ka qabto dhibaatooyinka dalka ka jira.

Kol kale isagoo Muuse Biixi khudbad u jeeddinaayay Arday ka qallin-jebinaysay jaamacadda Burco waxa uu hadallo aflagaaddo ah oo aan qaban Shacabka Somaliland ee masuuliyaddii u sarraysay ku aaminnay, isla markaanna Kursigii u sarreeyay dalka u doortay, haddana Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay shacabka dhawrka Milyan ah ee reer Somaliland kuwo wada Waallan aan miyir-ba lahayn.

Muuse Biixi oo hadda saddex sano iyo dheerraad talada dalka gacanta ku hayay waxa uu mashruuc siyaasaddeed ka dhigtay Cadow soomaaliya ah baa inna soo eeggay, dagaal baa la innagu hayaa iyo wax la mid ah, isagoo daaha saarraaya Waxqabad la'aanta Xukuumaddiisa Saddexda Sano iska fadhiday oo Cashuurtii ummadda ku wada naaxay sida gafaneyaasha.

Mudadii uu joogay Muuse Biixi muxuu ka qabtay tayo xumidda Caafimaadka, Biyo yarraanta, Musuqmaasuqa, Jidadka iyo Dulmiga maalinkasta ka dhaca Somaliland? Maxaa u diidday innuu ka hadlo arrimahaas waa wayn ee shacabkiisunna u baahan yahay, masuulna looga dhigay si uu wax uga qabto arrimahaas oo dhan, muxuu innoo sheegi karraa oo uu qabtay maanta. Ummadda reer Somaliland uma baahna in ballaayo iyo naxli uun looga sheekeeyo waxay rabbaan Waxqabad iyo Horumar dhankasta leh oo dalkoodda loogu sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi waxa la gudboon innuu iska daayo geeddo sarre waabka uu maalinkasta la soo taaggan yahay, isla markaanna taa badalkeedda uu la yimaaddo khudbaddo la xidhiidha sida uu ga shaqeeyay dalka iyo waxa uu qabtay ee loo diiwaan-gelin karo taariikhdana u geli karta iyo sida uu ga darreen celiyo baahidda bulshadda aasaasiga ah ee maalinkasta tabasheedda uu kala socdo Warbaahinta kala duwan ee dalka, maaha innuu ummadda ku mashquuliyo soomaaliya. Soomaaliya iyo Soomaalilaand inay kala go'een qofkastaa waa ogyahay, ee adigu Soomaalilaand maxaad u qabatay saddexda sano iyo dheerraadka aad taladdeeda gacanta ku haysay. Waa xisaabta toggan ee laga rabbo Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa.

Loading...
Loading...