Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Joogo Magaalada Burco?

0
Tuesday October 20, 2020 - 14:42:05 in News by
  • Visits: 3615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Joogo Magaalada Burco?

    Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Joogo Magaalada Burco?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Joogo Magaalada Burco?


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Guray Oo kamid ah siyaasiyiinta reer somaliland ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay safarka madaxwaynaha Somaliland ugu baxay gobolada bari ee Somaliland isagoo waxgaradka iyo madaxdhaqeedka gobolada bari ugu baaqay in ay madaxwaynaha kala hadlaan tabashadooda oo ay usoo bandhigaan wax ay tabanayaan.



Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;


Safarka Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ugu baxay qaar ka mid ah gobolada bariga waxan u arkaa muhiim. Marka hore waxan ku boorinayaa dadwaynaha in si wayn oo milge iyo maamuus leh odayga qaranka loo soo dhaweeyo. Dhinaca kalena waxay u tahay fursad dadwaynaha gobolada uu booqashada ku mari doono madaxwaynuhu siiba waxgaradka xogogaalka u ah guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan gobolada bariga oo aan kula talinayo in wakhtiga yar ee fursadda ah ay si run ah, daacad ah, oo lilaahi ah dhinacooda ay Madaxwaynaha ugu xogwaramaan wakhtiguna aanu kaga wada lumin sacab iyo mashxarad iyo ciyaaro ee ay xaqiiqada ka hadlaan dhibaatooyinka jira iyo xataa tabashooyinkoodana aanay ka qarin ee sheegtaan si hadhow ma i tidhina waa sed eh aanay isugu qoomamayn hal ay lahaayeen oo seegay. Waayo inta badan gobolada fog fog looguma war hayo sida caasimadda oo inta badan madaxdu ay dhex joogaan goor kastana ay xogogaal u yihiin. Markaa intii hadhow caban lahaydeen waa kaa dhexdiina jooga odaygii madax meel ka saraysa oo la salaaxaana ma jirto eh imikaba ogaada



Loading...
Loading...