Qiimaha Lagu Raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines Wixii Ka Dambeeyay Xayiraadda Fly Dubai & Al-Arabia

0
Tuesday October 20, 2020 - 13:33:46 in News by
  • Visits: 2476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha Lagu Raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines Wixii Ka Dambeeyay Xayiraadda Fly Dubai & Al-Arabia

    Qiimaha Lagu Raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines Wixii Ka Dambeeyay Xayiraadda Fly Dubai & Al-Arabia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiimaha Lagu Raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines Wixii Ka Dambeeyay Xayiraadda Fly Dubai & Al-Arabia


Hargeysa(HWN):-Waxa isbeddelay qiimaha lagu raaco diyaaradaha u kala goosha Somaliland iyo dalalka kale ee Adduunka.




Isbeddelka muuqdaa maaha mid hore u jiray, balse waa mid la jaan-qaadaya Tirada diyaaradaha Caalamiga ah ee Somaliland ka qaada Rakaabka ama keena oo aad u yaraaday wixii ka dambeeyay markii Xanuunka Covid_19 uu Dunida ka dillaacay.


Ka hor intaan Xanuunka Covid_19 ka dillaacin Somaliland iyo dunida inteeda kale, waxa Garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa Dadka ka qaadi jiray ama keeni jiray diyaarado kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ethiopian Airline, Air Arabia iyo Fly Dubai iyo kuwo kale, laakiin sababo Xanuunka Covid_19 ka mid yahay waxa Xukuumadda Somaliland u joojisay diyaaradaha Air Arabia iyo Fly Dubai.


Hase-ahaatee, maaddaama oo uu tartankii diyaaraduhu meesha ka baxay waxa aad kor ugu kacay Qiimaha lagu raaco diyaaradda Ethiopian Airline.


Tusaale ahaan, Wakhtigii hore Qofka doonaya inuu Turkiga Tago isla-markaana ka soo noqdo waxa diyaaradda Ethiopian Airline ku qaadi jirtay $ 580 dollar, laakiin imika halka mar waxa lagu raacaa 580, halka Tagista iyo soo noqodku yahay $ 970 dollar.


Sidaasi oo kale, imika qofka doonaya inuu tago, kana soo noqdo Magaalada Dubai wuxuu ku raacayaa lacag dhan $ 650 dollar.


Shirkadaha ka shaqeeya Goynta Tigidhada Shirkadaha diyaaradaha u kala goosha Somaliland iyo Dalalka dibedda ayaaWargeyska Geeska Afrikau sheegay inkasta oo Qiimuhu isbeddelay, haddana marmarka qaarkood isbeddelka qiimaha lagu raaco diyaaraduhu ku salaysan yahay hadba tirada Dadka diyaaraddu qaadayso, taasi oo lafteeduna ku xidhan xilliga lagu jiro, tusaale xilliga Xagaaga oo kale markay Dadku badan yihiin Qiimaha diyaaraduhu wuu jaban yahay.

Loading...
Loading...