'' Kulmiye Vs Ucid , 2021 Saadaal ''.
Siyaasaddu sideedaba waxay ku shaqaysaa oo Baasiin iyo tamar u ah ficil iyo xifaaltan sidda ciyaaruhuba ugu shaqeeyaan xiise iyo xamaasad , ficiltanka iyo xamaasaduna wuxuun bay ku xidhan tahay hadba gobolka aduunka ee lagga hadlayo , hadii dunidda reer galbeedka la joogo ficilka iyo xamaasadda waxaa abuura aragti iyo masaalix hadii afrika iyo caalamul saadis la joogana ashqaas iyo isirro ayaa abuura , siyaasad oo dhamina waxay ka siman tahay xifaaltanka iyo ficiltanka waa marka ay shaqaynaysee , tusaale ahaan , Kulmiye waagii uu mucaaridka ahaa ficilka iyo xamaasadda waxaa waraabinayay Snm iyo isaaqnimo halka Udub nimadda ay quudinaysay masaalix iyo ficiltan .
Sidaa markay tahay , sanadka soo socda waxaa dhici karta in saaxada ay isku haleelaan waa saadaal uune labadan team ee kala ah .
1- Kulmiye oo jilaya siyaasaddii Udub kana kooban , Awdal , Subulaha-saaxil iyo qayb ka midda dhab-libaax plus intii kale ee raacda .
2- Ucid oo jila muuqaalkii Kulmiye oo ka kooban gacan ka mida gacmihii Kulmiye plus Salaxley plus Xeebaha Awdal plus intii kale ee raacda .
Labadan kooxood oo midna ay wataan , Muuse , Saajin iyo Sulub midna ay wataan Xaashi , Axmed I Samatar iyo Faysal waa suurta gal in ay is galalafaan mustaqbabalka dhaw siday aniga ila tahay .
Siyaasadana sideedaba waxaa ku legdama hadba inta is ficishanaysa ee isu cadhaysan maxaa yeeley siyaasaduba waa dagaal aan tudhaale iyo naxariis lahayn asayn dhiig ku daadanin .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!