Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Tacsi Udiray Ehelkii Ay Ka Baxday Marxuumada Saynab X. Cali Baxsan

0
Tuesday October 20, 2020 - 10:45:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Tacsi Udiray Ehelkii Ay Ka Baxday Marxuumada Saynab X. Cali Baxsan

    "Alle ha u naxariistee Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan waxay ahayd hobol ku tilmaamnaa wadaniyadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Alle ha u naxariistee Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan waxay ahayd hobol ku tilmaamnaa wadaniyadda"

Muqdisho, Isniin, Oktoobar 19, 2020; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka tirsanayd Hobalada Qaranka ee Waabaari.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay kaalinta Marxuumaddu ay ka qaadatay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareenka wadaniyeed, iyadoo safka hore kaga jirtay hobaladii Qaranka ee hormuudka u ahaa xoojinta dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

 

"Alle ha u naxariistee Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan waxay ahayd hobol ku tilmaamnaa wadaniyadda iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed. Geerideedu waa mid na wada taabanaysa shacabka iyo dowladba maadaama ay xasuus ma guurta ah ay ku leedahay dhaxal faneedka dalka.”

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle u waydiiyey Marxuumadda in uu fadhigeeda ka yeello Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelada, qoyska, bahda fanka ee ay ka tirsanayd iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

 

---DHAMMAAD----


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...