Baqal Nin Riday Mid Kale Ma Qaadi Karto ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday October 20, 2020 - 10:18:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Baqal Nin Riday Mid Kale Ma Qaadi Karto ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Adhi Daasad Kama Il-baxo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Adhi Daasad Kama Il-baxo.

"Lax weliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaaye" Wax kaste oo ummadan ku dhaca, inaka baa isugu wacan, denbi-geedana leh. waayo waxa askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay ugu jirta faa'iido, ah is nacsiin-tiina uu kolba laba beelood iska hor keenoi, waayo waa arin u sii seeto dheeray-naysa, idin-kana la idinku kala xadaayo, oo kolba beel hoosta la soo gasha-naayo, marka uu ka dhamaysto-na, ee uu dan-tiisa ku gaadho-na, uu mid uu awel hore dhabarka u jeediyey, doonaayo in uu ku dhoolo tusto, bal hadda tusaaloo-yinkan aan hoos ku qori doono ila akhriya, adba waad yaabi doon-taaye. waxa meesha taala murtidii ahayd " Haddii aynaan qolo ku foognayn ama dhiig faraha darin, waanaan fadhiyi karin" Markhaati-giina waakan:-



(a) Gobolka Awdal oo uu khamistii ina dhaaftay ka soo noqday, waxa uu foodda isu soo geliyey Samaroon, oo kuwii hore ula socday, intuu baal ka maray, kuwii ka soo hor jeeday uu imika damcay in uu ku garaaco.


(b) Beesha Bali-gubadle, iyana laba qaybood buu u kala fadhii-siyey, oo uu foodda isu geliyey, si wacana u rabaa in uu iskaga hor keeno, ilayn maalin-ba meel buu ka fad kudi-yaaye.


(c) Gobolka saaxil, isna gaar buu u faquuqay, oo beelaha wadda dega buu kolba in sinta saaraa, inta kale-na uu qaar-ba-qaar ku diraa, inta jeer ee uu bello ka dhex qarxiyey tiro ma leh.


(d) Gobolka Gebiley, oo ahaa uh-dda uu askarigu ku dhaato, iyana waad la socotaan halka xeel-keedu maraayo, taas oo uu qarka u saaran in ay iyaka ka dhex qaraxdo jifo-jifo, markii uu u kala saaray mucaarid iyo muxaafid, meel kale-ba iska daayoo, boobka uu ku qaaday xataa beesha uu ka soo jeedo, ee uu maatadda balood-balood uga qaadayo xoog sheegasho ah, ahna kuwa ugu badan ee uu boobka indhaha la' gebi ahaan-ba ku qaaday, muwaadin idin-kama qarsoona( Buurta kala jeexan 600 oo qoys buu rasaas iyo laad lagala daalay, oo debedda loo qubay, guriyihii cagaf la geliyey, masaajidaddii dhulka lala simay.


(e) Gobolka Togdheer, waad arkay-saan waxa ka socdda, in dhinac laga mudaaharaa-daayo, dhinacna looga sacab tumaayo, oo uu damcay in uu dhanqan-kiisii caadiga ahaa ee " Qaybo oo xunkun" doonaayo in uu ku maamulo. Waxay bello ka taagan tahay, oo uu hadda wadda wixiisii xilka lahaa, hore buu colaad u dhex dhigay aan jirin H.Jeclo Iyo Garxajis, Akhristaw markii H jeclo ogaatay in uu isku lisaayo ee ay ka baydhay, baa iyadda oo aanay ka dhab ahayn oo hadda uu joogo Burco, uu siddii mid naf u wadda, kuna khiyaamay-naayo Garxajiska Togdheer, uu doonayaa in uu shaadh kale u gashado, kaas oo ah idinka baan idinku bedelayaa  H.Jeclo, iyaka oo ay gadh-wadeen ka yihiin, daaquud-yadda Ina Sulub, Boos Mire, Ina Waran-Cade iyo qaar kaloo cad quudheedka loo tuuraa. Wuxu ku beer-lawasanayaa been aan geed-na loogu soo gaban, oo ah " Wadadda isku xidha " Burco-Oodweyne-Hargeisa" baan idiin dhisayaa, Taas oo haba-yaraatee aanay wax-ba ka jirin. Waxan uga digayaa Beesha Burco galbeed in uu yahay kii ku faanaayey askarigu " Anigoo wax dili kara, duco qaadan-maayo" ee Geeliina ku qanqanii-naayey Oodweyne isaga iyo geenyo-shaaximani,  Wax uu idiin soo wadaa meesha ma taallo, ee iska qabta, afarta jifo kaste uu ka wato, ee magaciina ku shaqaysta, wax ay idin taraan daayo, wax yeello uun idiin la soo taagan iyo in ay kolba beel isku kiin dhuf-taan,waa kuwa sare ku qorane.


Adhi daasad kama il-baxo baa la yidhiye, goor-maad baran doon-taan?  isku dhufa-shadda la idinku wado hadh iyo habeen. ee kolba laba madaxa la isku kiin gelinaayo? Mar uun fekera ummad yahay, oo waxad is weydiisaan. halkuu dhigay beeshii u codaysay ee H.jeclo? Muxuu u qabtay ee la taaban karaa maanta? Maxaa iska hor keenay ee lagu kala booday? Haduu cid wax u taraayo ama u qabanaayo, oo uu abaal leeyahay iyo garasho hagta, saw may ahayn iyaka kuwii ka mahad sheegan lahaa? Ma idinka ( Waa Garxajise) oo ah maah-maah-dii ahayd " Laba Bide Beerka Iska og" buu naxariis idiin hayaa. Waxan ku soo gabga-beeyey, waa la idinku dhoola-tusanayaa ( Show off), ee yaan shaadh kale la idiin soo gashan, Ilaah ha u naxariisto'e, Abwaan qaasim baa laga hayaa " Dhalan-teed xareed waw eg-yahay, dheeha-shadda guude" Waa sidaas wax aan soconayn yaan la idinku khawaysiin, oo beentii ah uu ku rogay H.Jeclo. Horaa loo yidhi daayeeraw qadhaab ka waran, oo uu ku jawaabay " Tun-kayga iyo tagoogay-ga ka eege, reer walbaw-ba ku taamilo qaado H.Jeclo ta lagu sameeyey, oo meel iskaga xidha, yaanu idiin la iman is bihin-bihin iyo maslaxasho hoosta ka qaawan. oo yaanu mar kale kaadhka idiinka marsan.


* N.B Adhi Daasad Kama Il-baxo.
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...