Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhoweyn iyo cambaareyn isugu daray golaha wasiirada la magacaabay

0
Tuesday October 20, 2020 - 09:22:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhoweyn iyo cambaareyn isugu daray golaha wasiirada la magacaabay

    Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada.




Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in Xil Wasiir loo magacaabo shakhsi uu sheegay in uu horay u dhibaateeyay Xisbiga uu hoggaamiyo ee Wadajir, waxaana madaxweyne Farmajo ku eedeeyay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha oo uu ula jeedo mid ka mid ah Wasiirada Cusub, kaasi oo lagu Magacaabo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka.

 

Waxaana uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo magacabay Wasiirka Caddaaladda uuhormuud u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

"Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo. Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda.

 

Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka”.


Loading...
Loading...