Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Golaha Shacabka Ansixinta Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Rooble

0
Tuesday October 20, 2020 - 09:16:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Golaha Shacabka Ansixinta Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Rooble

    Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga .

 

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

 

Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.

 

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiirada Kheyre, waxaana Golaha Wasiirada masoo muuqan oo laga tegay Wasiirada, Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa.


Loading...
Loading...