Fanaanadda Seynab Xaaji Cali Baxsan Oo Geeriyootay

0
Tuesday October 20, 2020 - 09:16:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanadda Seynab Xaaji Cali Baxsan Oo Geeriyootay

    "Seynab Xaaji Cali Baxsan waxay sidoo kale kasoo qaybqaadatay rirwaado badan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Seynab Xaaji Cali Baxsan waxay sidoo kale kasoo qaybqaadatay rirwaado badan"

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in galabta ay magaalada ku geeriyootay fannaanadii caanka ahayd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan.

 

Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa tobannaan sano kusoo jirtay fanka, waxayna caan ku ahayd heesaha waddaniga, kuwa jacaylka iyo kuwa qiirada.

 

Seynab Xaaji Cali Baxsan waxay sidoo kale kasoo qaybqaadatay rirwaado badan oo laga dhigay waddanka.

 

Dadka yaqaanna waxay idaacadda VOA u sheegeen inay fanka bilowday iyadoo da'yar ayna ku soo jirtay muddo ka badan 50 sano.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida fannaanada Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxaana uu uga tacsiyeeyey umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay inay kasoo qaybqaadatay xornimadii waddanka, iyo dhismihii qaranka Soomaaliya.


Loading...
Loading...