Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Xadhiga Laba Suxufi

0
Monday October 19, 2020 - 16:51:24 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Xadhiga Laba Suxufi

    Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa xadhiga labadan wariye mid sharci daro ah, maadaama aan loo marin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa xadhiga labadan wariye mid sharci daro ah, maadaama aan loo marin

Hargeisa(HWN):-Ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu si wayn uga soo horjeedaa xadhiga labada wariye ee, kala ah Maxamed Shaqale iyo Siciid Muuse (Qurbaawi) oo lagu kala xidhay Laascaanood iyo Ceerigaabo.



Ururka suxufiyiinta Somaliland waxa uu dhaliilayaa talaabada ay guddida nabadgelyadda gobolka SOOL, xabsiga ugu dhaadhiciyeen wariye shaqale, kaasoo ay maanta u jareen toddoba cisho oo rumaan ah.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa xadhiga labadan wariye mid sharci daro ah, maadaama aan loo marin nidaam sharci ah.

Ururka SOLJA, waxa ugu baaqayaa masuuliyiinta labadaas gobol inay xorriyadooda usoo celiyaan labada wariye, isla markaana ay cidda ka cabanaysaa u martaa nidaam sharci ah.

Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

Loading...
Loading...