Faallo:-Safarka Muuse Biixi Ee Gobollada Barrigu Muxuu Ka Dhigan Yahay!

0
Monday October 19, 2020 - 16:43:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:-Safarka Muuse Biixi Ee Gobollada Barrigu Muxuu Ka Dhigan Yahay!

    Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay safar ugu baxay gobollada Barriga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay safar ugu baxay gobollada Barriga Somaliland,

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay safar ugu baxay gobollada Barriga Somaliland, waxaannu socdaalka safarkiisa ka bilaabay magaalada Berbera oo xarun u ah gobolka Saaxil, iyaddoo maayarka iyo Badhasaabka gobolkaasi ay deddaal u galleen siddii ay shacabka deegaankaasi u soo dhawayn lahaayeen Weftiga uu hoggaaminaayay Muuse Biixi oo saddexdii Sanaddood ee uu talada dalka hayay aannu waxba ka qaban baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshadda reer Somaliland, iyaddoo markaad eegto gobolkaasta oo Somaliland ka mid ahiba ay shacabkiisii ka niyad-jabbeen Maamul-xumidda, Musuqmaasuqa iyo Dulmiga ay Xukuumadda Muuse Biixi ku hayso Shacabkeedda, halkii ay ahayd in taa badalkeedda ay u qabato oo Horumariso adeegyadda bulshaddu u baahan tahay ee Biyaha, Caafimaadka, Korontadda iyo Jidadka.
Muuse Biixi oo gaaray Berbera +Sawirro – SBC


Iyaddoo ay badan yihiin duruufaha dhankasta leh ee bulshadda reer Somaliland ku hareeraysan oo ay ka mid yihiin dhaqaale-xumidda, Sicir-bararka, busaaradda iyo waxqabad la'aanta Xukuumadda Muuse Biixi, isla markaanna dhibaatooyinka bulshadda reer Somaliland ay haystaa ay tiro badan yihiin, ayaa haddana waxa uu Muuse Biixi ugu darayaa tamashley iyo damaashaad uu ku marraayo inta badan gobollada Barriga Somaliland, iyaddoo aannay jirin saddexdii sano ee uu taladda dalka gacanta ku hayay hal mashruuc oo wax ku oolka oo wax wayn ka tarri karra baahidda bulshadda oo uu qabtay, iyaddoo uu dayacay Masuuliyaddii ay ummaddu u dhiibatay oo uu si gaara isaga iyo Qoyskiisu ugu tagri-faleen, haddana waxa jirta in gobolka uu tagaba Shacabkiisa lagu qasbaayo inay soo dhaweeyaan oo Maayarrada iyo Badhasaabadu ay bulshadda gaadiid ku soo guraan inay meel isugu keennaan, kuwaasoo la yidhaahdo Jidka dhinaciisa safaf dhaadheer gala oo sacabka tuma, tallaabadaas oo ah dhaqankii Kelitalisyadda lagu yaqaannay, waanna arrin khilaafsan Distoorka dalkeenna iyo Dimuqraadiyadda ay Somaliland sheegato, inkastoo ay been tahay oo aannay jirin wax Dimuqraadiyad ah oo Somaliland ku dhaqanto.

Ummadda reer Somaliland uma baahna in looga sheekeeyo caddow baa halkan innoo jooga, cadow baa innagu hareeraysan iyo hadalo aan dhaabin oo bulshadda ku abuurraaya kalsooni-daro iyo nacayb, balse shacabku waxay rabbaan cid ka jawaabta baahiyahoodda, waxay rabaan cid ka jawaabta masuuliyadda ay u dhiibtaan, waxay rabbaan cid ka fal-celisa darreenkoodda oo xilli kasta la socota waxa ay qabaan iyo xaaladdaha ay ku sugan yihiin, ha yeeshee Muuse Biixi xilkii iyo masuuliyaddii cuslayd ee saddex sano ka hor shacabka reer Somaliland u dhiibteen wuu ku guuldaraystay innuu wax uga celiyo ama siddii ay ahayd uu uga fal-celiyo ammaanadii ay dusha u saarreen shacabku, balse innuu wax ku celiyo ha joogtee waxa uu ugu daray Dulmi iyo Caddaalad-daro uu si badheedh ah Hantiddii ay lahaayeen ee ay gacanta ku haysteen uu ka faro maroojiyay, isagoo weliba Hantidii ummadda ee gacantiisa ku jirtayna uga faa'iiddeeyay Qoyskiisa iyo Shaqsiyaad kale oo beeshiisa ahba.

Haddaba, Safarkiisan uu ugu baxay gobollada Bariga Somaliland muxuu ka dhigan yahay? maaddaama aannu Muuse Biixi xadhiga ka jarayn Mashaariic Horumarinneed oo bulshaddu u baahnayd, waayo balan-qaadyadiisii hore kol haddaanu fullin, in balanqaad danbe laga dhagaystaa waa Xaaraan, bulshadduna dhagaysan mayso balanqaad afka baarkiisa ah oo aan waxba ka jirin, sidaa darteed kol haddaanay jirin waxqabad aynu maanta u diiwaan-gelino oo Muuse Biixi uu safarkiisaa ku soo furraayo ama Xadhiga kaga jarraayo sow looma arki karro Weftiga uu hoggaaminaayo Muuse Biixi inay tamashleyn iyo Dalxiis ku marayaan gobollada Bariga Somaliland, weliba iyaddoo ay jirto khatarta Xanuunka faafaha daran ah ee COVID19.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka reer Somaliland waxay quus ka jooggaan Xukuumadda Muuse Biixi oo ceeb iyo fashillaad ka qaadday taladdii iyo Masuuliyaddii Saddex sano ka hor loo dhiibay Muuse Biixi, taasoo aan hal adeeg bulsho ah oo lagu xasuusto bulshadda u qaban kari wayday..

Loading...
Loading...