Gabadhii Shalay Laga Afduubtay Muqdisho Oo Maanta Lagu Qabtay Gurceel

0
Monday October 19, 2020 - 14:40:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhii Shalay Laga Afduubtay Muqdisho Oo Maanta Lagu Qabtay Gurceel

    Booliiska Guriceel oo xiriir lasoo sameeyay ehelada gabadha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska Guriceel oo xiriir lasoo sameeyay ehelada gabadha




Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada booliiska Galmudug gacanta ku dhigeen gabar shalay laga afduubtay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

 

Hibo Maxamed Xasan oo aheyd gabar 16-sabo jir ah ayaa shalay koox aan la garan ka afduubteen magaalada Muqdisho, waxaana ehelada gabadhan sheegeen in ay lasoo xariirtay una sheegtay in la afduubtay..

 

Ciidamada booliiska Guriceel ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen gabadhan yar ee Muqdisho laga afduubtay xili ay la socotay gaari tagay magaaladaasi, waxa ayna ciidamada xireen darawalkii waday gaariga ee gabadha la socotay.

Booliiska Guriceel oo xiriir lasoo sameeyay ehelada gabadha la afduubtay ayaa u sheegay in gacanta ku hayaan ayna baarayaan cidii ka dambeesay iyo sababta gabadhan yar looga soo afduubtay magaalada Muqdisho iyo halka loo watay.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya afduubka loo geesanayo haweenka iyo xatooyada caruurta, lamana oga ilaa hada cida falalkan dadka Muqdisho ka araggaxeen wada mana jiro ilaa hada wax war ah oo dowlada kasoo saartay arimahan.


Loading...
Loading...