Taliyaha Ciidamada Booliska oo xilka ka qaaday qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada Muqdisho

0
Monday October 19, 2020 - 14:12:16 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidamada Booliska oo xilka ka qaaday qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada Muqdisho

    Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Gaashaanle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Gaashaanle



Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magacaabay Taliyeyaal Cusub, isagoona xilka qaadis ku sameeyay Taliyeyaal hore u shaqeynayay.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Shibis ee Gobolka Banaadir loogu magacaabay inuu noqdo Cabdicasiis Axmed Baashane, isagoo bedelaya Taliyihii hore ee Saldhigaas.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Gaashaanle Mahad Korow u magacaabay Taliyaha Qaybta Bari, waxaana Korow uu ahaa Taliyihii qeyba Waliyow Cadde.

 

Taliyeyaasha Cusub ee Cabdicaiis Axmed Baashane iyo Gaashaanle Mahad Korow ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, sidoo kalena ay la shaqeeyaan Ciidanka ka amniga ee ka howlgala halka loo magacaabay.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale xalay kormeer ku tegay Isgoysyada dowladda ay dhawaan ka qaaday dhagxaantii taallay.


Loading...
Loading...