"Saddexdii Sano Ee Muuse Biixi Taladda Hayay Hal Mashruuc Oo Macno Leh Ma Soo Kordhin" Hoggaamiye Xirsi

0
Monday October 19, 2020 - 14:07:02 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Saddexdii Sano Ee Muuse Biixi Taladda Hayay Hal Mashruuc Oo Macno Leh Ma Soo Kordhin" Hoggaamiye Xirsi

    "Saddexdii Sano Ee Muuse Biixi Taladda Hayay Hal Mashruuc Oo Macno Leh Ma Soo Kordhin" Hoggaamiye Xirsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saddexdii Sano Ee Muuse Biixi Taladda Hayay Hal Mashruuc Oo Macno Leh Ma Soo Kordhin" Hoggaamiye Xirsi

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Xukuumadda Muuse Biixi ku dhaliilay inaanay waxba dalka ku soo kordhin saddexdii sano uu talada dalka hayay Muuse Biixi Cabdi.


Hoggaamiye Xirsi waxa uu ku eeddeeyay Xukuumadda Muuse Biixi inay curyaamisay ganacsatadii dalka, taas badalkeedda ay dalka u soo waarrideen shirkad budhcad ah oo adduunyaddu ka qaylisay.
Hog. Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Sheegay In Gabi Ahaanba ay Ka Baxeen Heshiiskii Sadexda Xisbi Wadagaleen. | WARSOM.COM - Wararka Soomaaliya,warka soomaaliya,Somalia News

"Maanta waxaannu idinku yeedhnay inaanu ka hadalno Xaaladda guud ee dalka, inaanu la wadaagno duruufaha ay qabaan oo aannu ka jawaabno wixii nagaga gudboon duruufahaas uu dalku maraayo,waxyaabaha dayacmay iyo halka maanta la joogo inaanu ka hadalno.

Sidaad ogtihiin maalintii Madaxweynaha xilka loo dhaariyay ilaa maanta hal mashruuc oo macno leh oo ishu qabato oo bulshadda soo jiita, oo hankii iyo himilladii shacabku lahaa ka jawaaba lagama hayo, waxay sheegtaan wax la yidhaahdo Shaqo qaran oo ah in la tababaro oo Ciiddan la geliyo Ardayda, maba xumee, laakiin intee baa la tababarayaa, sanadkasta boqolkun ayaa soo baxee dalku ma boqolkun oo Ciiddan ah ayuu u baahan yahay mise Boqolkun oo u shaqeeya, boqolkun oo Askari dallku wuu u baahan yahay markay noqoto difaaca dalka, laakiin duruufta iyo busaaradda dadkeenna haysta ayaa u baahan in wax laga qabto.

Iska daa kuwo cusube kuwii joogay ilaa maanta hal doollar looma kordhin, waxaannay ahayd in kuwii joogay Noloshoodda la daryeelo, waxbarashadda ubadkoodda sarre loo qaaddo.

Waxaad arkayseen Madaxweynihii oo gobollada bariga u baxay oo aannay hal mashruuc xadhiga ka jarin, sababtoo ah dee waxba lama qaban, Madaxweynaha waxa wakhtigii kaga dhammaaday muran iyo garnaqsi uu la soo taagnaa uun. Waxaad ogtihiin duruufaha dhaqaale iyo busaaradda dalka ka jirta, iyaddoo ay sidaas tahay ayuu Madaxweynuhu haddana bilaabay innuu joojiyo taayirkii wareegaayay, waxaad ogtihiin qayladda ka baxaysa shirkaddihii shidaalka, haddana waxaad ogtihiin in dalka la keennay shirkad samcad xun adduunyadda leh oo meelo badan lagu xukumay inay Sun ku aastay, waxa aad u yaab badan in ganacsataddeeniina la curyaamiyo, shirkad adduunyaddii ka qaylisayna la innoo soo waariddo, waxaad arkayseen shirkaddihii diyaaraddaha oo la joojiyay Fly dubia iyo al arabia. Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Loading...
Loading...