War Deg Deg:-Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dilkii Iyo Kufsigii Burco Ka Dhacay Ee Marxuumad Ugbaad Cali
Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland oo ku sugan magaalada Burco ayaa ka hadlay dilkii iyo kufsigii layskugu daray alle haw naxariistee marxuumad Ugbaad Cali.
Muuse Biixi oo khudbad ka jeedinayey xaflada qalinjabinta ardayda jaamacada Burco ayaa amar ku siiyey hay’addaha gacanta ku haya kiiska marxuumadaasi inay dedajiyaan si loo waafajiyo cadaalada cidii ka dambaysay dilka.
Muuse Biixi oo ka hadlaya dhacdada marxuumadaasi ayaa waxa uu yidhi "Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa , gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka , dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda , waxaanan farayaa hay'addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho "
![]() |


0 






