Haraadka Iyo Baahida Xooga Leh Ee Hargeysa Ka Jirta Waxa Ka Saari Kara Cid Sumcadii Caasimada Soo Noolayn Karta…W/Q Cawaale Maxamed

0
Tuesday April 23, 2019 - 21:02:56 in Articles by
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haraadka Iyo Baahida Xooga Leh Ee Hargeysa Ka Jirta Waxa Ka Saari Kara Cid Sumcadii Caasimada Soo Noolayn Karta…W/Q Cawaale Maxamed

    Haraadka Iyo Baahida Xooga Leh Ee Hargeysa Ka Jirta Waxa Ka Saari Kara Cid Sumcadii Caasimada Soo Noolayn Karta…W/Q Cawaale Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haraadka Iyo Baahida Xooga Leh Ee Hargeysa Ka Jirta Waxa Ka Saari Kara Cid Sumcadii Caasimada Soo Noolayn Karta…W/Q Cawaale Maxamed


Sida aynu baryahanba kala soconay Warbaahinta gudaha iyo kuwa debeddaba, waxa laga werwersan yahay Doorashooyinkii Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka oo aad iyo aad u muddo dhaafay.


Waxaana jirta xaalad jiho-wareera oo bulshadu ka walaacsan tahay waxqabad la'aanta xadhkaha goosatay ee ay dayaceen Masuuliyiinta muddo dhaafay ee u igman xilalka kala duwan, hawgu sii darnaadaan goleyaasha deegaanada dalku gaar ahaan caasimada.

Image result for magaalada hargeysa


inkasta oo ay jiraan dedaallo ay wadaan Xukuumadda, Xisbiyadda Qaranka, Beesha Caalamka iyo Wax-garadka Somaliland oo lagu doonayo inay Doorashadu qabsoonto si la iskaga hor dhaqaajiyo Masuuliyiinta badankoodu ay bulshadu ku hungoowday inay baahiyahooda wax ka qabtaan isla markaanagaran waayey waajibkii Qaran ee saarnaa gaar ahaan Golayaasha Deegaanadda, iyadoo si weyn isha loogu hayo Caasimadda oo baryaaba laga dayrinayey waxqabad la'aanta ka taagan iyo haybaddii Caasimadda oo lagu tuntay.


Dhinaca kale, waxa jiray baryahan ifafaalayaal farxad galiyey bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda. Taasi baryahanba la isla dhex marayey oo Warbaahintana ay ka muuqatay, in Doorashooyinkan Deegaanka ee soo socda la doonayo in Maayirka Caasimadda lagula guntado Muwaadin reer Hargeysa ah oo la yidhaahdo Haldoor Rashiid Sulub Caalin.


Muwaadinkaas oo sida rayiga dadweynaha laga arkay ku sifoobay inuu yahay Muwaadin soo celin kara haybaddii iyo karaamadii Caasimadda haddii Eebbe qaddaro.


Waxa kale oo ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay in Muwaadinkaasi ilaa imika aanu go'aansan Xisbiga uu iska sharraxi doono, iyadoo ay ilo xog-ogaal ahi ay tibaaxayaan, in saddexda Xisbiba ay dedaal ugu jiraan in Muwaadinkaasi iska sharaxo. Waxaana lagu rajo weyn yahay in loo doorto Maayirka Caasimaada Hargeysa, iyadoo la saadaalinayo inuu wax weyn oo muuqda ka beddeli doono Caasimadda insha Allah.


Waxaana ay bulshadu ka dhug sugaysaa in Caasimaddu hesho hiil dhaba oo lagu aflaxo lagagana raysto diiftii iyo saxariirkii ay Caasimadda ku reebeen Masuuliyiintan jooga iyo kuwii ka horeeyey badankoodu.



Cawaale Maxamed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...