Burco Ciil Ma Qabto Cabanna Mayso

0
Monday October 19, 2020 - 09:59:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Burco Ciil Ma Qabto Cabanna Mayso

    W/Q: Mohamed allale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed allale

Caraabada muuse biixi uma aragno wax weyn oo carigeena gaadhay balse cadaaladda ayaa tusaynaa cidkasta oo cabudhisa shacabka  caynka ay rabaana. Wax ugu carabaabi waydayda.

 

Waxaa nasiib xumo ah ayaan darro ah in maanta madaxweyne. Biixi uu iska horaysiiyo ceelalyo cabsi darteed taas oo cadayn u ah inuu madaxweynuhu noqday cid gaar ama cimaamadda caaqilka reerkiisa

 

Caasimadii labaad somaliland (burco) oo ahayd meesha cududa iyo codka kulmiyeba fadhiyey ayaa maanta ka cagaagan oo ciddii talada haysayna ka caagtay ama ka cabsatay

Waa wax aan caqliga galay

 

Madaxweyne calanwalayntii iyo cabaatinkii wakhtigii doorashada berriba wuxuu noqondoona mid taagan oo aan laga tagayn balse waxbaanu fahanay oo noo biniixay

Cidkastaa caqli ayey leedahay oo waa ay aragta caynka xukuumaddanu wax u cabbirtay ama u carbisay carriga oo idil

 

BARRIGU  ma bushaaru u helay in aan dawladdu soo booqan oo aan meelna wax looga bislaynin. Mucaarid iyo muxaafidba waxaad tahay madaxweynahooda ee ma tihid metele xisbi iyo muunad reer

 

BURCO. Madoonayso kacdoon iyo kicin dadweyne. Manaha goobta faranta dagaalka ee waa gobol lamida kuwa lagu gaashaamay dhamaan baahiya Aas aasiga ah

 

Xaq ayaan u leenahay inaan wax dhaliilo dhaleecayno oo aanu dhacsano waxa dhigayaga somaliland helayaan   wadaxweyne manihin kuwii qarankan dumin lahaa ee waxaanu nahay kuwii dhisay hooyada somaliland.   Anagoo leh mucaarid iyo muxaafidba waxaanu ka midaysanahay ma huraanka uu ilahay nagu beeray

 

Waan aragnaa in dhamaan dalku dayacanyahay. Annagana aanad dib noosoo eeginba   waxaanu ku ciilbaxayna maaha qori maaha jabhad ee waa fartayadda.

Qoraha maqaalkani  uma hadlin qabiil uma hadal qolo. Ee waxaan u hadlay qadiiyadda magaaladayda.

 

Mohamed allale

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...